Mid kamid ah xildhibaannada BF oo Ambulance looga qaaday xarunta Villa Hargeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlayay xaadiritaanka xildhibaannada ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaannada oo xanuunsan ay haddana soo xaadiraan kulamada baarlamaanka, halka kuwo kale oo caafimaad qaba ay ka maqnaadaan fadhiyada joogtada ah.

Jaamac ayaa sidoo kale xaqiijiyay in saaka mid ka mid ah xildhibaanada haweenka ah ay xanuunsatay iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, isla markaana gaari ambalaas ah looga qaaday xarunta Golaha Shacabka, si loogu fidiyo daryeel caafimaad

Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday inay cadaalad sameyn doonaan ka guddoon ahaan, isla markaana ay sii wadi doonaan lacagaha laga jaro xldhibaannada ka baaqda fadhiyaha golaha.

“Saaka gabar baa halkan Ambulance looga qaaday xildhibaan ah nina gurigiisa ayuu jiifaa waa jareynaa lacagta kuwo bishaan ayaa laga jaraa bisha soo socota ayaa la jarayaa sharciga ayaana noo ogol,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Haddii gabadha 800 qaadaneyso mushaarka laga jaraayo askariga 200 oo dollar qaadanaayo laga jaraayo xildhibaan 5000 qaadanaayo waa laga jaraa hal il ayay ka wada imaanayaan”.

Dooddan ayaa muddo soo socotay, waxaana ay saameysay qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka oo bishan laga jartay lacago gaarayo xildhibaankii illaa 800 oo dollar.

“$800 ayaa laga jaray Xildhibaannada, dood weyn ayaana ka qabnaa. Isla xisaabtanka waan oggolnahay, laakiin qaabka loo maray ayaa qalad ah,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’adiid oo ka hadlayay lacagaha uu guddoonka ka jaray qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay inuu tallaabo ka qaadayo Xildhibaannada ka maqan kulamada Golaha Shacabka, si loola xisaabtamo maadaama ay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo, xilli dalka uu jiro marxalad adag.

- Advertisement -

Read more

Local News