Laba wiil oo shacab ah oo dilay mid ka mid ah saraakiisha ugu halista badan Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay dilka mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay (Xasan Xusuleey) ayaa waxaa 17-kii bishan degmada Ruunnirgood ku dilay laba dhallinyaro oo xoolo-dhaqato ah, sida ay xaqiijisay wasaaraddu.

Xasan Xusuleey ayaa waxa uu ahaa 50 jir ku dhashay degmada Ruunnirgood, kaas oo caadeystay dhaca shacabka. Horjoogahan oo ka tirsanaa horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee dhibaatooyinka daran shacabka ugu geystay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu kooxda u qaabilsanaa dhanka gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu soo noqday waxa ay kooxdu ugu yeerto madaxa Sakawaadka degmada Ruunnirgood.

“Labada dhallinyarada ah ayaa ku guuleystay inay dhagartiisa dhaafiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada hoostaga degmada Ruunnirgood, iyagoo ka furtay Qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga.

Horjooge Xasan Calasow ayay wasaaraddu sheegtay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Ruunnirgood iyo deegaannada hoostaga uu u gaystay dhibaatooyin ay ka midyihiin dhaca hantida, xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta su-socodka degmada iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana uu dadka ku qasbay inay barakacaan.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadisah dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan Al-Shabaab, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News