Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow), sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is-casilay kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Saadaad oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Golaha Wasiirrada ayaa hadda u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu horay u banneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isna loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa sababta is casilaaddiisa ku sheegay inuu galayo tartan adag, uuna doonayo inuu xaqiijiyo damaciisa ku aadan xilka guddoomiyaha.
“Maanta oo Taariikhda tahay 01/08/2026 waxaa rabaa inaan halkaan kula wadaago inaan iska casiley Xilka Wasiirdowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib uheshiisiinta. Waxaa go’aansadey inaan hankeyga iyo damaceyga xaqiijiyo oo ah inaan musharax u ahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa mahad oo dhan u sugnaatey Allahii igu simay mudada 3 sanadood aan joogey,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaad Caliyow.
Sidoo kale, wuxuu ka codsaday guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin inay qabato doorasho xalaal ah oo ay u siman yihiin xildhibaannada tartamaya.
“Waxaan rajaynayaa in doorashada ay noqoto mid loo siman yahay dadka musharrixiinta ahna ay u siman yihiin cadaaladna ah,” ayuu sii raaciyay.
Loollan xooggan ayaa loogu jiraa kursigii uu banneeyay Sheekh Aadan Madoobe, waxaana u hanqal taaaya siyaasiyiin kasoo jeedo Koonfur Galbeed, oo saami ahaan leh kursiga, kuwaas haatan wada olole ay ku doonayaan inay kusoo buuxiyaan.
Siyaasiyiinta caddeeyay musharraxnimadooda waxaa kale oo kamid ah Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo dhawaan soo qaatay kursi xildhibaannimo, kaas oo hadda olole ka wada magaalada Muqdisho.
Kalfadhigga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta furmay, maadaama uu kororsaday hal sano si lamid ah hay’adaha kale ee dowladda, waxaana shaqada ugu horreysa ay noqoneysaa in lasoo doorto guddoomiye cusub.

