Xog: Waa kuma diblomaasiga loo magacaabayo wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa u muuqda inuu bilo kadib ugu dambeyn aqbalay cayrintii uu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey wakiilkii ururka ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Rooble ayaa qoraal uu soo saraay 7-dii April 2022 wuxuu dalka uga eryey Danjire Francisco Madeira, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay shakhsi aan dalka laga rabin kadib markii “uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.”

Hase yeeshee, waxaa cayrintaas ka horyimid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo kadibna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu sheegay inay qadanayaan go’aanka Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin danjire Francisco Madeira.

Hase yeeshee, isku dayadii Farmaajo iyo Mahamat ayaan labada shaqeyn, ayada oo wasaaradda amniga ay diidan inuu dalka dib usoo galo Madeira.

Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegeysa in guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu hadda qorsheynayo inuu wakiilka ururka iyo madaxa howlgalka ATMIS u magacaabo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dalka Comoros Mohamed El-Amine Souef.

El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa 2011 illaa 2015 soo ahaa madaxa howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, howlgalkaas oo loo yaqaan UNIMID (United Nations-African Union Mission in Darfur).  

Waxa uu sidoo kale 2015 illaa 2017 madax ka ahaa howlgalka QM ee waqooyiga dalka Mali, kaasi loo soo gaabiyo MINUSMA.

Haddii si rasmi ah loo magacaabo El-Amine Souef ayaa Soomaaliya imanaya xilli isbeddel weyn lagu sameeyey howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo bishii March loo bixiyey magaca ATMIS.

ATMIS ayaa ah howlgal ku-meel gaar ah oo ujeedkiisu yahay inuu dowladda federaalka kala shaqeeyo sidii ay ula wareegi laheyd amniga dalka, ayada la billaabayo qorshe si tartiib ah loogu yareynayo 20,000 ee askari ee Afrikaanka ah ee dalka jooga.