Midowga Afrika oo war kasoo saaray weerarkii Shabaab ee saldhiga ciidanka Burundi

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay weerarkii cuslaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ay ku lahayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo 65 KM u jira caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo bayaan kasoo saaray weerarkaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna sheegay in uusan hoos u dhigi doonin howlgallada ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya.

Faki Mahamat ayaa sidoo lale khadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha waddanka Burundi General Neva, wuxuuna uga tacsiyeeyet askarta looga dilay weerarkaas oo qaraxyo ku bilowday,  isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin kooxda Al-Shabaab.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.