Midowga Yurub oo hal dhinac ku wada riixay DF iyo Al-Shabaab

Brussels (Caasimada Online) – Baarlamanka Europe ayaa markii ugu horeysay cambaareyn dusha kaga tuuray dowlada Somalia, Talisyada ciidamada AMISOM ee Somala, Al-shabaab iyo dowlado dhowr ah oo ay kamid yihiin Zimbabawe iyo Filibiin.
Baarlamaanku waxa uu sidoo kale, Cambaareyay weeraradii ugu danbeeyay ay maleeshiyada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia oo ay ku haligmeen shacab aad u farabadan.

Baarlamaanku waxa uu sheegay in Somalia ay ka dhimatay dhanka xuquuqda aadamiga, waxa uuna farta ku goday godobfalada loo geysto dhinacyada aan awooda laheyn.

Baarlamaanku waxa uu tusaale usoo qaatay sida lagula dhaqmo kuwa ku bahoobay Saxaafada ee ku dhaqan dalka Somalia oo iyagu lagula kaco dilalka, Xarigga iyo caga jugleynta joogtada ah oo looga marin habaabinaayo shaqooyinkooda toosan.

Qoraal ay Baarlamaanka Midowga Europe kusoo daabaceen beejka europarl.europa.eu ayaa lagu sheegay in Baarlamaanku uu ka digaayo godobfalada lagu hayo Saxafiyiinta iyo Saxaafada ka jirta Somalia.

Dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia ayey ugu baaqen inay xooga saaran baaritaano la xiriira falalka lagula kaco shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku shaqeysta qalinka iyo makaroofanka.

Dalalka Zimbabawe iyo Filibiin, ayay sidoo kale sheegen inay ka jiraan godobfalo lamid ah kan ka jira Somalia, waxa ayna Madaxda dalalkaasi ugu baaqen inay la socdaan xaalada dhabta ah ee dadka ku shaqeysta qalinka iyo Makaroofanka.

Dhinaca kale, Barlamaanka Europe waxa uu sheegay inay isha ku hayaan waxyaabaha ka socda Somalia, Zimbabawe iyo Filibiin.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
Caasimada@live.com