Mucaaradka oo fursad ka dhex raadinaya Xasan & Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay isku dayayaan inay abuuraan khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa, si ay uga dhex faa’iideystaan.

Xasan Macallin oo ka qayb-galay kulan xalay ka dhacay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka ay jeclaan lahaayeen inay is khilaafaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre, kadibna khilaafkooda la geeyo dalka dibaddiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jeclaan lahayn inay Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Xamza is khilaafaan, kadibna dalka dibadiisa aan gayno, dad ayaa sidaas dhahaayey waa la idiinka diiday mucaaradow,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in laga soo gudbay dhaqankaas, isla markaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay yihiin saaxibo isku aragti ah oo hal meel ku wada dalka, sidaas daraadeed wuxuu mucaaradka ugu baaqay haddii ay dhaliil jirto inay usoo bandhigaan si wanaagsan oo la fahmi karo.

“Xukuumadda midnimadeeda, wadajirkeeda iyo hore u socodkeeda waa la bogaadiyaa waxaa la dhaliilaa meelaha ay dhaliilaha ka leedahay, balse la yaqaano waxa aad dhaliileyso,” ayuu mar kale yiri Wasiirka Cadaaladda.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Mucaaradnimo wax wanaagsan waayay waa dastuuri, laakiin mucaaradnimada sidaan haloo dhaamo oo yaan mucaaradnimada la gayn dalka dibaddiisa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana dalka uu wajahayo marxalad adag oo kala guur ah, iyadoo wel la’isku hayo hannaanka guud ee doorashooyinka iyo wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka KMG  ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa inta badan dowladda ku dhaliila hannaanka ay u maareyneyso arrimaha siyaasadda, waxayna ku doodayaan inuu dhammaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News