Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo galabta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan culus kasoo saaray dhulboobka weli kasii socda magaalada Muqdisho, iyaga oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka qabteen, kadib kulankooda ayaa sheegay in dowladdu aysan joojin barakicinta shacabka, isla markaana go’aanka burburinta lagu gaaro Vila Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
“Gurigaaga gado ama ka guur ayay maree go’aan walbana maanta waxaa laga gaaraa Villa Somalia xitaa ma xishoodaan ma aqaan siday bulshadaan ula noolaan doonaan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.
Sidoo kale, Ra’iisu wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay goobta ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh inuu iibsaday dhulkii lagu aaminay, isla markaana uu xargagoostay dhulboobka magaalada Muqdisho.
“Dhulkii magaalada Muqdisho ku yaallay ee lagu aaminay oo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu kitaabka gacanta u saaray isaga iyo xulafadiisa ayaa iibsadeen si sharci darro ah,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Hadda waxa socda dhulboob oo kaliya ma aha waa xaalufin waa burcad dhuleednimo sidoo kale waxa hadda socda waxay su’aal gelinayaan bulshe noocee ayaa nahay”.
Dhankiisa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna sheegay arrinta dhulboobka ay gaartay meel xun, iskuna bedeshay bililiqo, sida uu hadalka u dhigay.
“Mushkiladda dhulka mudda waa soo jiitameysay, laakiin waxaa moodaa marba marka ka dambeysa in culayska uu sii xoogeysanayo gaar ahaan maalmahan ugu dambeeyay oo ay arrinta isku beddeshay bililiqo boob xaddhaaf ah, iyada oo cagafta ay beegsaneyso si gaar ah dadka kuwa ugu liita,” ayuu isna yiri Madaxweynihii hore Dowlad-goboleedka Galmudug.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadyadii ugu dambeeyay ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda dhulalka ee caasimada, iyada oo maalmihii la soo dhaafay cagta la mariyay xaafado ay daganaayeen dad badan oo shacab ah.

