Mucaaradka oo Roobow ka dhigtay la jiifiyaana banaan la joojiyaana bannaan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xiiso badan dhalisay doorashada Madaxweynenimo ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Abu Mansoor Roobow oo hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab ayaa isu soo taagay loolanka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed taas oo ka yaabisay dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, markii uu sida rasmiga ah ugu dhawaaqay waxaa dood ka keentay oo is hortaagtay damaciisa dowladda dhexe oo bayaan ay Wasaaradda Amniga soo saartay ku muujiyey mawqifkeeda.

Taas oo ay jirto, waxaa si cagsi isku ah uga falceliyey siyaasiyiinta  dowladda eedeeya sida Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku hormaray falcelinta ayaa sheegay in dowladda ay soo abuubushay ololaha Mukhtaar Roobow maadama wararkiisa ay baahiyey telefishinka Qaranka.

“TVga qaranka Soomaaliya wuxuu baahinayaa warbixinta Mukhtar Robow. TV ga qaranka marna ma baahin muuqaal ku saabsan Xisbiyada Dalka ka jira, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Tani waxay cadayn u tahay in ololaha doorashada Mukhtar Robow laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA.”

Waxaase yaab noqotay sidii uu isna uga falceliyey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo isna sheegay in dowladda aysan u marin habkii saxda ahaa ee ay ku joojin lahayd musharaxinimada Roobow uu u muuqatay in uu ka biyo diidsanaa mawqifka ay dowladda isku hortaagtay damaca Roobow.

“Marka qof muwaadin ah tartan doorasho laga reebayo waa in loo Maraa wado sharci ah iyo hey’adaha ku shaqada leh, sida maxkamadaha dalka ama Guddiga doorashooyinka ee u xilsaaran shaqadaas, haddii wasaaradda amnigu ay cid gaar ah arrin ku heysato waa in sida hey’ad caadi ah oo kale ay u dacwootaa, laakin in kaalintii maxkamadaha dalka iyo guddiyada doorashooyinka ay qaadato wasaaradda amnigu ma ahan wax sharci ahaan la aqbali karo, waana arrin asaasi ah oo u baahan in hey’adaha iyo wasaaradahu ay si wanaagsan u fahmaan” ayuu yiri Fiqi.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo baxay ka hor go’aanka dowladda ay ku diiday musharaxnimadiisa, waxaana durba isaga oo aan hubin waxa socda uu dowladda dusha u saaray inay ayada wadato Roobow. Haddana markii go’aanka dowladda soo baxay, Fiqi oo isna mucaarad kale ah, wuxuu la saftay Roobow isaga oo ku xumeynaya dowladda.

Hadaladda is diidan ee labada siyaasi, midna qabo in dowladda taageersan tahay Roobow midna aaminsan yahay in qoraalkii ay dowladda ku diiday musharaxnimada Roobow lagu dhaliili karo dowladda ayaa muujinaya in mucaaradka dowladda ay tallaabooyinka dowladdu qaado hadba dhinac ay rabaan ka eego ama la jiifiyaana bannaan, la joojiyaanna bannaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com