Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay safarrada Xasan Sheekh ee laba dal oo col ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay safarradii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Itoobiya iyo Masar, isagoo dhaliilay kulamadii uu halkaasi kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaysan habboonayn in Madaxweynaha Soomaaliya uu waqti isku dhow booqdo laba dal oo ay xilligan ka dhex taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo culus.

“Waxay ceeb ku tahay Soomaaliya iyo diblomaasiyadda in madaxweynuhu uu labo guruub oo xoog isaga soo horjeeda isku mar u tago,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa muujiyay in Golaha Mustaqbalka uu kasoo horjeedo habkaasi, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee isbahaysiga ay ku dhisan tahay in aan dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya lagu dhex darin khilaafaadka iyo loollanka ka jira gobolka.

“Dalkii wuxuu kusoo koobnay hal gacan, mas’uuliyadaas haddii wax ka dhacaan dalka ama dagaal ka dhaco waxay taabaneysa hoggaanka dowladda iyo xukuumadda ka shaqeynaysa ee hantidii qaranka ku bixinaysa in dhiig la daadsho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariifka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarro is-xigay ku tegay Itoobiya iyo Masar, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyadoo kulamadaasi ay dhacayeen xilli ay jiraan xiisado dhowr ah oo ka taagan Geeska Afrika iyo arrimaha la xiriira Badda Cas iyo Wabiga Nile.

Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Alamein ee dalka Masar, kaasi oo lagu gaaray iskaashi ay yeeshaan dalalkaasi.

Dowladda Itoobiya ayaa si taban uga falcelisay kulankaasi, iyadoo arrinta ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa mowqifkii ay filaysay in Soomaaliya ay ka qaadato xiriirka labada dal.

Si kastaba, Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeysanaya in Soomaaliya ay lahaato siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, isla markaana aysan qayb ka noqon loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya quwadaha iyo dowladaha gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News