Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimayaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah ula kala wareegay mas’uuliyadaha waaxyahooda iyo faylasha rasmiga ah.
Wareejinta xilalkan oo maanta ka qabsoomtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxay u dhacday sidan:
1. Marwo Huda Nuur Sheikh Haamud ayaa la wareegtay xilka Agaasimaha Waaxda Arrimaha Aasiya, iyadoo mas’uuliyadda kala wareegtay Agaasimihii hore, Mudane Saciid Mire.
2. Mudane Mohamed Mahmud Ali ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Arrimaha Afrika, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee waaxda, Mudane Cabdulqaadir Burgal.
3. Mudane Saalah Maalin Abuukar ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore, Mudane Jibriil Afyare
4. Mudane Jibriil Afyare ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Siyaasadda, Qorsheynta iyo Cilmi-baarista, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore, Mudane Mohamed Mahmud Colad.
5. Mudane Usman Ahmed Mohamed ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Ururrada Caalamiga ah, isagoo xilka kala wareegay Mudane Cabdinaasir Ibrahim Haji Usman, oo xilkaasi si ku-meel gaar ah u hayay.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Hamza Haadow iyo Hantidhowrka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Abdulkadir Hassan Mohamed.
Si kastaba, magacaabista mas’uuliyiinta maanta xilka la wareegay ayey hore wasaaraddu ugu sheegtay inay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ee lagu xoojinayo awoodda hay’adeed, hufnaanta maamulka iyo tayada shaqada diblomaasiyadeed, si loo dardar-geliyo hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda iyo danaha qaranka JFS.











