Warbixin: Gabar weriye ah oo lagu toogtay Muqdisho iyo ganacsade la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in magaalada Muqdisho lagu dhaawacay gabar ka tirsan Wariyeyaasha Telefishinka dowladda ee SNTV iyo Radio Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa gabadha Wariyaha ah ee lagu magacaabo Farxiya Mire Maxamed ku dhaawacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Dabka, waxana Farxiya loola cararay goobaha caafimaadka.

Dhaawaca Farxiya ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu yahay mid culus, waxana baxsaday kooxihii ka dambeeyay dhaawaca gabadhaasi kamid ahayd Wariyeyaasha Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda.

Dhinaca kale, Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan rag hubeysan oo Barqanimadii Maanta Xaafada Suuqa Siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay in uu ahaa Shacab.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in Suuqa ay ugu tageen Nin  Ganacsi Gudaha Suuqaasi Siinaay ku lahaa ka dibna ay dhowr Xabadood madaxa kaga dhufteen,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah Ganacsatada suuqa oo sababo Amni uga gaabsaday Magaciisa  ayaa sheegay in dhaawac ahaan markii loogu qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho uu geriyooday balse aysan cadeyn Karin sababta loo dilay.