Muqdisho: Hoteello albaabada la isugu dhuftay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa albaabada u laabay Hoteelo iyo Goobo lagu caweeyo oo ay ku kulmaan dhalinyarada.

Hoteelada iyo Goobaha lagu caweeyo ayaa waxaa kamid ah Hoteel Royal, Kasabalanka, Banaadir Biij iyo Goobo kale.

Goobahaani ay ciidamadu xireen ayaa laga cabsaday in lagu dhigo ciidaha Kirismiska, waxa ayna Goobahaasi ku caanbaxeen cabista shiishada iyo maan dooriyayaal kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin, taasi oo ugu wacan in ciidamadu ay albaabada isugu dhuftaan.

Maamulka Goobahaasi ayaa lagu amray inaysan furi karin mudada lagu guda jiro ciidaha Kirismiska, si looga badbaado weeraro ay maleeshiyada Al-shabaab ka fuliyaan Goobahaasi iyo Goobo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wasaarada amniga ayaa Hay’adaha amaanka ku amartay in ciidamo dharcad ah ay dhigaan Goobaha lagu caweeyo, si ay uga warqabaan in Goobahaasi lagu dhigo ciidaha Kirismiska.

Dhanka kale, qorshaha ay Hay’adaha amaanka uga hortagayaan ciida ayaa qeyb ka ah xaqiijinta amaanka, waxaana jira cabsi laga qabo in maleeshiyada Al-shabaab ay weeraro ka geystaan goobahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com