Qorshe kale oo lacag looga cuno dadka raba shatiyada baabuurka laga billaabay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waa magaalo micno badan oo siyaabo kala duwan lacagaha la isaga shaqeysto, gaar ahaan marka laga hadlayo Shaqooyinka dowladda iyo kuwa Hey’adaha.

Ma jirto hey’ad ka tirsan ama wasaarad ka tirsan Dowladda oo aysan ka jirin Musuq maasuqa taasina waxay sanad kasta noo keentay inaan hormuud u noqono wadamada uu la dagay Musuq maasuqa.

Marka aad Muqdisho joogto oo aad tahay Darawal kamid ah kuwa kaxeeyo noocyada kala duwan ee Gawaarida kuwa yar yar iyo kuwa waaweyn waxaa ku sugeysa xaalad adag oo kaa hor taagan inaad hesho Sharciga kuu ogolaanayo inaad Gaariga kaxeyso haddii aad sharci la’aan Gaariga laamiga soo saaratana waxaa jidadka kuu taagan wiilal yar yar oo u diyaarsan inay lacag kaa sameeyaan.

Hadaad go’aansato inaad Sharciga kaxeynta Gawaarida (Driver License)   waxaa kaa baxeyso lacagta hoos ku faahfaahsan oo guud ahaan noqoneyso 185 Dollar.

  • 150 Dollar oo ay qaadaneyso Wasaaradda iyo shirkadda heysato Mashruucaas
  • 10 Dollar oo Xarunta Dambi Baarista CID ah, si aad usoo qaadato waraaqda caddeyneyso inaadan dambi ka gelin dalka.
  • 25 Dollar oo Caafimaad ah .

Ujeedada warbixintaan maahan inaan ka hadalno lacagaha dhan sababtoo ah horey ayaan warbixin uga soo sameynay lacagahaas iyo dhibaatada uu qofka ka marayo inuu helo Sharcigaas isagoo bixiyey lacagtaan xad dhaafka ah.

Waxaan rabnaa inaan ka hadalno lacagta cusub ee la dul saaray dadka Leysinada qaadanayo oo ah 25 Dollar oo looga qaado Xafiis ku yaalo Km4 oo la sheegay inuu Gobolka Banaadir qeybta Caafimaadka u qaabilsan yahay.

Xafiiskaas ayaa lacagta uu dadka ka qaado la sheegay inay tahay mid lagu hubinayo Caafimaadka Qofka rabo inuu qaato Leysinka.

Xafiiska dadka Caafimaad malagu mariyaa?

Marka qofka rabo Leysinka tago Xafiiskaas waxaa laga qaadaa Dhiig lagu shubayo dhawr Silingo, waxaana loo sheegaa qofka in Cuduro badan laga baarayo.

Sida sharciga ah qofka rabo inuu Leysin qaato lagama qaado Dhiig balse waxaa laga cabiraa Indhaha si loo hubiyo inuu aragiisa yahay 100%, haddii uusan aheyn waxaa loo qoraa Ookiyaale u saamaxayo inuu Gaariga wado, waxaana Leysinka lagu caddeeyaa inuu qofkaan yahay qof aan arigiisa dhameystirneyn oo lagama maarmaan ay tahay inuu Ookiyaale ku wado Gaariga,  haddii la arko isagoo la’aantiis wadayana waxaa lagu ganaaxaa Lacag.

Balse Sheekada ka jirto Muqdisho sidaas way ka duwan tahay, qofka Marka dhiigga laga qaado waxaa loo sheegaa inuu Jawaabta soo doonto Maalinta xigta, mar kastana  ogsoonow jawaabta waa mid Positive ah oo qofka loo sheegayo inuu caafimaad qabo.

Maxaa Dhiigga Lagu sameeyaa?

Qof ka tirsan dadka Leysinada qaatay oo ay u suurta gashay inuu galo Xafiiska howshaan macaashka ah ay ka socoto ayaa indhiisa kusoo arkay in Xafiiskaas aysan oolin  wax qalab ah oo indhaha lagu baaro iyo xataa qalab kale oo dhiiga lagu baaro mar uu la hadlayey Shabakadda Caasimadda Online.

Qofkaan wareysiga siiyey Caasimadda Online ee dhiigga laga qaaday ayaa durba arkay dhiigiisa oo lagu ridayo Meesha loogu talagalay Qashinka halkii dhiigiisa la marin lahaa Baaritaan.

Taas waxaa ka daran waa arrin cusub in qof Leysin la siinayo aan Indhaha laga baarin loona sheego in laga baarayo Sokor, Dhiigkar, Cagaarshow iyo Malaariyo.

Sidee loo qeybsadaa  Lacagta?

Sida ay ogaatay Caasimadda Online qof tago xafiiskaas waxaa loo jaraa marka lacagta laga qaado illaa 3 Boono, Laba waxaa lagu kala qoraa min 10 Dollar, halka midda seddexaad lagu qoro 5 Dollar, taasoo guud ahaan noqoneyso 25 Dollar.

Xisaabta ku darso Seddexda boono ee lacagaha kala duwan lagu kala qoro waxay kasoo baxdaa Hal Xafiis, waxaana ku wada qoran Gobolka Banaadir, qeybta Caafimaadka, waxaana arrintaan ku jirto qiyaano ah inaan Gobolka Banaadir loo gudbin guud ahaan lacagta 25 Dollar ah oo ay jirto Siyaabo kale oo loo kala qeybsado lacagta.

Sida ay illo wareedyo ka tirsan Xafiikaas u sheegeyn Caasimadda Online, lacagtaas 25 Dollar ah ayaa waxaa ku heshiiyey inay kala qeybsadaan Wasaaradda Gaadiidka, Shirkadda heysato Mashruucda Leysin bixinta iyo Xafiiska dadka looga qaado dhigga oo aysan oolin wax qalab caafimaad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com