Musharaxiinta la tartamaya A/Madoobe oo isbaheysi sameystay, soona saaray qoraal xasaasi ah (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Jubaland ee la tartamaya Axmed Madoobe ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin oo loogu magac daray “GOLAHA ISBADAL DOONKA MUSHARAXIINTA JUBALAND”, waxayna soo saareen qodobo ku saabsan doorashada Jubaland. Hoos ka aqriso

Warmurtiyeed:

Hab raaca Doorashada heer Baarlamaan iyo Tan Madaxweynaha Jubaland 2019:

Murashaxiintu Waxay si wadajir ah u sameeyeen Golaha Musharixiinta isbaddel doonka Jubbaland 2019 kaas oo ay ku mideysan yihiin musharixiinta u taagan kursiga Madaxweynaha Jubbaland ee 2019.

Si loo helo matalaad rasmi ah Golahu wuxuu isku raacay in habraaca Doorashadu noqdo mid Daah furan xor iyo xalaal ah kana madax banaan faragelin ka timaada murashaxiinta ku tartamaya kuraasta madaxweynenimada, Tan Baarlamaanka iyo faragelin kale meel kasta oo ay ka timaado:

Goluhu wuxu si wadajir ah u soo jeedinayaa in Dhamaan Murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya ay wada tashi iyo isla Ogol ka gaaraan Qodobada iyo Habraaca Doorashada:

1: Wada tashiga dhamaan murashaxiinta Kadib waa in si degdeg ah loo Magacaabo Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ugu danbeyn bishan march 2019:

2: Shaqada iyo Awooda Gudiga Doorashada ayaa noqoneysa secretariat ( Xoghayn) lagu soo ururiyo liiska Xildhibaanada odayaasha dhaqanka ee rasmiga ahi soo xulen oo kaliya:

3: Gudiga Doorashada iyo xududuhu malaha Awood wax ka bedel Diidmo iyo ku daris liiska odoyaasha Dhaqanka ee rasmiga ahi usoo gudbiyaan:

4: Shaqada Gudiga Doorashada iyo Xuduudahu waxay ku egtahay marka ay dhaariyaan dhamaan 75ta xildhibaan ama 2/3 xubnaha Baarlamaanka Jubaland oo lamid ah 56 xildhibaan:

6: Marka la dhaariyo Xubnaha Baarlamaanka Dhamaan habraaca Doorashada waxaa la wareegaya Golaha Baarlamaanka cusub, Xubinta ugu dada wayn Golaha Baarlamaanka Cusub ayaa shir gudoon kmg ah noqonaya inta laga dooranayo Gudoomiyaha rasmiga iyo labadiisa ku xigeen:

7: Gudoomiyaha ku meelgaarka ee Baarlamaanka ayaa golaha Baarlamaanka ka dhex magacaabaya Gudiga Doorashada ee Gudoomiyaha rasmiga ee Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa Isagoo ka ansixinaya golaha Baarlamaanka:

8: Marka la doorto Gudoomiyaha Golaha iyo ku xigeenadiisa waxaa hogaanka Doorashada la Wareegaya Gudoomiyaha rasmiga ee Golaha Baarlamaanka , wuxuuna markale golaha ka ansixinayaa Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo ahaan kara gudigii hore ee Baarlamaanka laga magacaabay ama kuwo cusub mar kale ayaana golaha laga Ansixinaya

9: Gudiga Doorashada ee Baarlamaanku ansixiyay waxay dejinayaan shuruudaha iyo dhamaan Hab raaca Doorashada Madaxweynaha ilaa Codeynta iyo ku dhawaaqida natiijada doorasha:

10: Iyadoo la raacayo habraacii loo maray Dhismoha Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ayaa la dhisayaa gudiga xalinta khilaafaadka:

11: Shaqada iyo awooda gudigu waa inay xaliyaan wixi khilaaf dacwo ama is daba Marin ah ee Doorashada ku saabsan:

12: Waxayna ilaalinayan sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqaneedka saxda ah Kaas oo noqonaya halka loo noqonayo hadii khilaaf yimaado, Gudigu malaha awood wax lagaga bedeli karo sixiixa iyo go,aanka Oday dhaqameedka rasmiga ah:

13: Si looga fogaado Abuuritaanka Odoyaal dhaqameed aan rasmi ahayn, awoodna u lahayn soo xulitaanka Baarlamaanka Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada talada haya waxay si wada ogol ah u hubinayaan liiska Odoyaal dhaqameedka rasmiga ee Beel kasta usoo xulaya xubnaha Baarlamaanka ee Beeshiisa:

14: Odoyaal dhaqameedyada ku jira liiska 135ta oday dhaqameed ee Layaqaano oo kaliya ayaa Beelahooda usoo xulaya Baarlamaanka:

15: Beelaha aan 135ta oday dhaqameed matalaad ku lahayn waxaa usoo xulaya Oday dhaqameedka beeshaas u matala deegaanada Jubaland ee laysla yaqaano waana in si wada ogol ah murashaxiintu isula ogolaadan:

16: Odoy dhaqameed kasta isagoo la tashanaya Nabadoonada beeshiisa wuxu gudiga doorasha iyo xuduudaha usoo gudbinayaa Magacyada xubnaha Beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Jubbaland:

17: Oday dhaqameed kasta wuxu gudiga Doorashada iyo Xuduudaha usoo gudbinayaa Hal Magac/ halkii Kursi:

18: Gudiga waxaa ka reeban inay qabtaan magacyo dheeri ka ah kuraasta Beel waliba ku leedahay Baarlamaanka:
(Tusaale beeshii Hal xubin ku leh Baarlamaanka waxay gudiga u gudbineysaa Hal magac oo kaliya)

19: Gudiga Doorashadu kama qaban karo Oday dhaqameedkii u soo gudbiya magacyo ka badan tirada kuraasta beeshiisa:

20: Oday dhaqameed kasta liiska magacyada ee beeshiisu usoo xulatay Baarlamaanka wuxu ka sameynayaa 6 Nuqul/copy oo lakala siinayo

A: Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha
B: Wasaarada arrimaha Gudaha Dowlada federalka:
C: urur goboleedka IGAD:
D: International Communitiga:
E: Golaha murashaxiinta Jubaland:
F: iyo midka Odaygu la hadhayo:

21: Amniga iyo Dhaqdhaqaaqyada Murashaxiinta heer Baarlamaan iyo Madaxtooyo murashaxiintu iyagoo ilaaliyaan Amniga, Xasiloonida iyo midnimada bulshada Jubbaland waa inay lahaadaan dhaqdhaqaaq xor ah oo ay ololahooda si nabad ah ugaga sameystaan Dhamaan deegaanada Jubaland iyo meeshii kalee ay rabaan waxaana ka reeban is hortaag iyo cabudhin:

22: Murashaxintu Waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan qeybaha bulshada, Xubnaha Baarlamaanka iyo Ciidi kale ay rabaan:

23: Murashaxiintu Waxay xor u yihiin inay qabsadaan kulamo goortay rabaan kuna qabsadaan goobtay rabaan:

24: Dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya waa inay u sinaadaan Xuquuqda, Awooda, Talada iyo Tasiilaadka :

25: Saxaafada madaxa banaan iyo Televisionka Jubaland waa inay si loo siman yahay ugu adeego dhamaan murashaxiinta oo uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya:

26: Amniga Habraaca Ololaha Doorashada codeynta iyo hoolka Doorashadu ka dhacayso waa inay sugaan ciidamo ka kooban Jubaland,SNA iyo ciidamo isku jir ah oo ka socda Wadamada kala duwan ee Qeybaha Amisom:

27: Si looga fogaado wax is daba marin, is hortaag iyo cabudhin loona helo daahfurnaan lagu wada kalsoonaan karo Habraaca Doorashada bilow ilaa dhamaad waa inay goob joog iyo kor joogto ka ahaadaan Xubno kakala socda
A:Dowlada Federaalka wasarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka
B: IGAD
C: international community
D: Iyo Amisom

28: jidwalka habraaca Doorashada:

A: maadaama Gudiga Doorashada iyo Xuduuduhu aad uga Dib dhacay xiligii la magacaabi lahaa waa In degdeg loo magacaabaa bishan March 2019:

B: xildhibaanada Jubaland waa In la soo xulaa ugu danbeyn 15/4/2019

C: Gudoonka Golaha Baarlamaanka Jubaland waa In la doorto ugu danbeyn 15/6/2019

D: Doorashada Madaxweynaha waa inay dhacdaa ugu danbeyn bisha August 15th 2019:

29: Canbaareyn: Golaha Isbedel Doonka Jubaland 2019 wuxuu canbaareynayaa falkii 27/2/2019 lagu hor istaagay taageerayaasha murashax ahna xildhibaan laga soo doorto Gobolada Jubaland, Taasoo sababtay In Murashaxu lugeeyo Airporka kismaayo ilaa magaalada Kismayo oo isu jira 15km, Waxaan ka digeynaa inay dhacdo iskuday kasta oo lagu cabudhinaayo ololaha Murashaxiinta Doorashada Jubaland iyo taageerayaashooda:

30: Golaha Isbedel doonka Jubaland wuxuu bogaadinayaa sidii degenaanta lahayd ee Murashaxa iyo taageerayaashiisu uga fal celiyeen sidii guracneyd ee loola dhaqmay:

31: Dhamaan shacabka Jubaland waxan ugu baaqeynaa ilaalinta Amniga iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga iyo habsami u socodka xulitaanka Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha

Cc: Dowlada Federaalka
Cc: Dowlad Goboledka jubaland
Cc: Odoyaasha Dhaqanka Jubaland
Cc: Dhamaan Beelaha Jubaland
Cc: Urur Goboleedka IGAD
Cc: International Communitiga
Cc: Dhamaan murashaxiinta Heer Baarlamaan iyo Madaxweynaha: