New Zeland: Muslimiin ay Soomaali ku jireen oo lagu weeraray Masaajid

London (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka New Zealand ayaa sheegaya in muslimiin badan lagu dilay Masaajid ay ku dukanayeen oo ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand.

Ku dhawaad 200 ruux ayaa ku dukaneysay masaajid Al Nuur ee Xaafadda Christchurch, waxaana la sheegayaa in khasaaro xoogan uu gaaray dadka ku dukanayay goobta weerarka uu ka dhacay.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay Masaajid lagu dukanayay Salaadii Jimcaha, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray dadka ku dukanayay qeybta dambe ee masaajidka.

Ruuxa weerarka geystay oo u dhashay dalka Australia ayaa la sheegay in lagu magacaabo Brenton Tarrant oo 28 Sano jir ah, waxaana weerarka ka hor la sheegay inuu damiyay korontada Masaajidka.

Ciidamada ayaa isku gadaamay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar hordhac ah oo soo baxaya ay sheegayaa in rag Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dadka weerarka ku dhintay, kuwaasi oo xaafadda deganaa.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa weerarka ku tilmaamtay inuu yahay mid kamid ah maalmihii Madoobaa ee dalkaasi, waxaana laamaha amaanka ay wadaan baaritaanka waxyaabaha ka dambeeyay weerarka.

Wali lama shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay weerarka ka dhacay masaajidka ku yaala dalka New Zealand.

Caasimada Onlne
Xafiiska London
Caasimada@live.com