Gen. Xuud oo weerar culus ku qaaday Beledweyne iyo ujeedka oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xuubey oo ah afhayeenka jabhad uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ka soo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne.

Xuubey ayaa sheegay in ujeedka weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadkooda uu ahaa sidii ay ku soo furan lahaayeen illaa lix qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku xiran xabsiga nabad sugida xerada Lamagalaay ee ku taalla gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay inay dagaalka si deg-deg ah u joojiyeen, kadib baaq uga yimid odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

“Waxaan tixgalinay oo aan aqbalnay codsiyo deg deg ah oo inooga yimid Odayaasha dhaqanka gobolka oo ahaa inaan dagaalka joojino dibna ugu laabano fariisinkeena, iyagana aay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa dadka gardarada u xiran,” ayuu yiri.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Beledweyne iyo maamulka degmadaas oo ku aadan weerarka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Booliiska ee dowlad goboleedka HirShabelle.