Garoowe (CaasimadaOnline) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo ka dhacay degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda amni ee ka taagan Puntland, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday burcadbadeedda ku sugan deegaannada maamulkaas, kadib markii lagu duqeeyay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Saciid Deni ayaa sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn sida ay wax u dhaceen, isaga oo shaaca ka qaaday in qof kasta oo xadgudub geysta ay tahay in loo maro waddo sharci ah, halkii tallaabooyin kale laga qaadi lahaa.
“Annagu raalli kama nihin sida ay wax u dhaceen, aad baan uga xumahay, maxaa yeelay qofka haddii uu dembi galo, xadgudub uma baahno, dambigana wuxuu leeyahay waddo loo maro,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si dhab ah loo wajaho xaaladda dhalinyarada ku lug yeelan karta falalka amni-darrada, isaga oo intaas ku daray haddii aan wax laga qaban ay xaaladdu keeni karto dhibaato kale.
Waxaa kale oo uu bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan odayaasha ugu baaqay in wax laga qabto xaaladda wiilashaasi “Dhinaca kale, wiilasha haddii aan qaban wayno dhibaato ayay leedahay,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Saciid Deni.
Dhinaca kale, Waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi ay yihiin wiilashii deegaanka, sidaas darteedna loo baahan yahay qorshe cad oo wax looga qabanayo xaaladda, iyada oo shacabka iyo waxgaradkana laga doonayo inay qayb ka qaataan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay wajahaysay xaalad amni oo cakiran, iyadoo maalintii shalay ay dhaceen duqeymo laga fuliyay deegaano ka tirsan Puntland, kuwaas oo hadal-heyn iyo walaac ka dhex abuuray bulshada.
Duqeymaha ayaa kusoo kordhay xaalad amni oo horey u kacsanayd, waxaana jira baaqyo loo jeedinayo dhinacyada ay khuseyso si looga fogaado tallaabo kasta oo xaaladda sii murjin karta, isla markaana la sameeyo hannaan lagu xallin karo khilaafaadka iyo falalka amni-darrada ah.

