Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Al-Sisi? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.

Xasan iyo Al-Sisi ayaa kulankooda kaga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal, gaar ahaan fursadaha maalgashi iyo mashaariicda horumarineed ee kaalin ka qaadan kara kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al-Sisi ayaa kusoo beegmaya xilli labada dal ay muhiimad wayn siinayaan xoojinta xiriirkooda iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo Masar ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya la leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan magaalada Al-Calamayn u tegay ka qeybgalka shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika, oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee dalalka qaaradda Afrika.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa sidoo kale fursad u siinaya Dowladda Federaalka inay la kulanto madaxda iyo masuuliyiinta dalalka Afrika, isla markaana ay soo bandhigto fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladda ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

Madasha Al-Calamayn ayaa loo qorsheeyay inay noqoto madal joogto ah oo labadii sanaba mar lagu qabto Masar, iyadoo ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dowladda Masar, Midowga Afrika, AUDA-NEPAD iyo Afreximbank

- Advertisement -

Read more

Local News