Muxuu xildhibaan Mahad Salad ka yiri shirka Xalane?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maalmaha soo socda ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Mahad Salaad ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo shaaca ka qaaday inuu fashil u horseeday dalka & doorashada.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay Madaxweyne Farmaajo uu kala irdheeyey dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ku eedeysan dambiyo dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray shirka ka dhacaya Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay 4 sano uusan laheyn agaasinkiisa, ayna amnigiisa sugayaan ciidanka Amisom.

“FARMAAJO 4 SANO KADIB: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirkaasi oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, islamarkaana looga hadlayo doorashooyinka.