Muxuu yahay codsiga ay DF Soomaaliya u gudbisay NRC?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu horkacayo xoghayaha guud ee Norwgian Refugee Council.

Xoghaya guud ee NRC oo ay wafdigiisa kamid ahaayeen xubno sare sida madaxa hay’adda ee geeska Afrika iyo Yemen Karl, madaxa xafiiska Soomaaliya Mohamed Abdi iyo Haakon Svanne oo ah ku-xigeenka danjiraha Noorwey ayaa waxay warbixin ka siiyeen Ergeyga howlaha kala duwan ee gargaarka ku aaddan ee hay’adda NRC iyo safaaradda Norway.

Ergeyga ayaa uga mahad-celiyay wafdiga gacan-siinta dowladdiisa, isaga oo ka codsaday in ay sare u qaadaan kaalmada ay ugu tala-galeen Soomaaliya iyo sidoo kale in ay kordhiyaan wax ka qabashada howlaha naf badbaadinta ah ee wax looga qabanayo gurmadka deg-dega.

Waxa sidaas si la mid ah Ergeygu weydiistay wafdiga in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii indhaha adduunka loogu soo jeedin lahaa xaaladda abaaraha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa arrinkaas ka guddoomay Ergayaga una ballan-qaaday gacan siin buuxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha.