Muxuu yahay dalabka R/W Xamza uu Laascaanood uga soo diray Somaliland?

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay horumarka uu sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu ka sameeyay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska iyo siyaasadda muddadii sanadka ahayd ee uu jiray maamulkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka iyo madaxda Waqooyi Bari inay sii ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta deegaannada maamulka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso.

Dhanka kale, Xamza Cabdi Barre ayaa farriin u diray siyaasiyiinta Somaliland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka si xal nabadeed looga gaaro tabashooyinka iyo khilaafaadka jira. Wuxuu sheegay in wada-hadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu gaari karo xal waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in loo baahan yahay in horay loo socdo, lana iska cafiyo wixii dhacay, halkii dib loogu noqon lahaa dhacdooyinkii hore. Sida uu sheegay, dib u milicsiga khilaafaadkii hore keliya ma horseedi karo xal rasmi ah oo lagu soo afjaro murannada taagan.

Isagoo ka hadlayay siyaasadda dibadda ee Somaliland, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay tahay arrin laga xumaado in xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ay, sida uu hadalka u dhigay, xiriir la yeelato Israa’iil. Wuxuu ku baaqay in dib looga laabto tallaabooyinkaasi.

“Geeddii Somaliland ay rartay meel qaldan ayay ku furtay. Dhammaan dadka Soomaaliyeed, ummadaha Islaamka iyo shucuubta rumaysan bani’aadannimada ayaa arrintaas kasoo horjeeda. Khaladkaas waxaa kasii daran in lagu sii adkaysto oo aan dib looga soo laaban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn sheegay inuusan jirin kala qaybsanaan u dhexeysa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, balse waxa uu ku dooday in khilaafaadka jira ay salka ku hayaan aragtiyo siyaasadeed oo ay wataan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland. Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo midnimada, wada-hadalka iyo is-afgaradka si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News