Muxuu yahay isbaheysiga cusub ee dowlada Ethiopia ka raadsaneyso Geeska Afrika?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa bilaabay qorshe uu ku raadsanayo isbaheysi cusub, kadib markii uu xubnaha xukuumaddiisa, Saraakiisha sare ee Ciidamada Militariga iyo Nabadsugidda uu u kala diro dalalka u arko in uu ka gabbaadsan karo culeyska koray.

Xukuumadda Abiy ayaa wajaheysa culeys xoogan oo dhanka beesha caalamka ah, tan iyo markii uu dagaal ku qaaday maamulkii TPLF, islamarkaana uu si bareer ah u muddo dhaafiyey doorashooyinka, oo aheyd bartii uu ka bilowday xaalka qalafsan ee dalkaas.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shidde oo ay welhiyaan Abaanduulaha Ciidanka Gen. Birhanu Jula iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Temesgen Tiruneh ayaa Jabuuti u tagay inay la kulmaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, si ay u meel-mariyaan qorshaha Abiy.

Is-arag kadib, waxa ay sheegeen in ay kala hadleen Geelle sidii Itoobiya garab loogu siin lahaa joojinta fara-gelinta dibadda, taasi oo uu hore u sheegay ra’iisal wasaare Abiy in marnaba la aqbali karin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankaas uu kasii horeeyay xiriir Telefoon oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Wasiirka Arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa asagu si cad u sheegay in xiriirka Shiinaha ay ku wiiqayaan cadaadiska uga imanaaya Qaramada Midoobay.

Itoobiya ayaa wajaheysa culeys uga imaanaya Qaramada Midoobay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha iyo Mareykanka, oo ayagu ka deyrinaya xaalada ka jirta gudaha dalkaas, tan iyo markii ay dowladda sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ay kula jirtay maamulka TPLF.