Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ballaaran oo lagu maalgelinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaas oo lagu dhisayo laguna dayactirayo garoomada diyaaradaha, waddooyinka, biyo-mareennada magaalooyinka iyo adeegyo kale oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada.
Mashruucan oo lagu qiyaasay $500 milyan ayaa la qorsheeyay in laga hirgeliyo Gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedyada dalka, sida ku cad heshiiska ay labada dhinac kala saxiixdeen bishii April 2026.
Ujeeddada mashruuca ayaa ah in sare loo qaado tayada kaabayaasha dhaqaalaha, lana xoojiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo ganacsiga.
Sida ku xusan heshiiska, mashruucu wuxuu socon doonaa illaa sannadka 2031, iyadoo muddadaas lagu fulin doono wejiyo kala duwan oo dhismaha iyo dayactirka ah. Dowladda Federaalka iyo Bangiga Adduunka ayaa si wadajir ah uga shaqeyn doona xulashada goobaha mudnaanta la siinayo iyo jadwalka lagu hirgelinayo mashaariicda.
Qeyb muhiim ah oo mashruuca ka mid ah ayaa lagu horumarinayaa garoomada diyaaradaha si loo xoojiyo badqabka duullimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Garoomada lagu xusay qorshaha waxaa ka mid ah kuwa Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Hargeysa, Garoowe, Gaalkacyo, Jowhar iyo Dhoobley.
Mashruucu wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa horumarinta nidaamyada biyo-mareennada iyo xakamaynta fatahaadaha ka dhaca magaalooyinka, iyadoo la doonayo in la yareeyo saameynta ay roobabka iyo daadadku ku yeeshaan bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Intaa waxaa dheer, qorshahan waxaa lagu daray dib-u-dayactirka iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha qaarkood, si loo kordhiyo awooddooda adeeg iyo soo jiidashada maalgashiga.
Dowladda iyo Bangiga Adduunka ayaa aaminsan in horumarinta kaabayaasha ay door weyn ka qaadan doonto kobcinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo.
Si kastaba, mashruucan laguma xusin magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka Waqooyi Bari, mana jirto sabab rasmi ah oo ilaa hadda lagu caddeeyay sababta looga reebay qorshaha, inkastoo Gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedyada kale lagu daray mashaariicda la maalgelinayo.
Ka maqnaanshaha Laascaanood ee liiska goobaha mashruucu ka hirgelayo ayaa dhalin kara su’aalo ku saabsan habka loo xushay deegaannada ka faa’iideysanaya maalgelintan.
Dowladda Federaalka iyo Bangiga Adduunka ayaan weli ka hadlin sababta magaaladaasi uga maqan tahay qorshaha, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo marxaladaha dambe ee hirgelinta mashruuca.

