Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arriimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Hailemariam.
Wasiirka waxa uu sheegay in labada mas’uul ay muddo kooban uga wadahadleen xaaladaha dhabta ah ee ka dhex jira labada dhan.
Waxaana uu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal iyo arrinta wabiga Shabeelle oo uu muran ka jiro.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu ku celceliyay in Somalia sinaba aysan uga samri doonin wixii xuquuq ah ee ka maqan, waxaana arrintaasi ku raacay Hailemariam.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay isla meel dhigeen in guddi labada dhinac ah loo xilsaaro arrinta wabiga, si wax looga qabto muranka ka taagan wabiga Shabeelle.
Sidookale labada masuul ayaa ka hadlay arrimaha waxbarashada oo uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia ballan qaaday in 500 oo arday ah uu siiyano waxbarasho bilaash ah.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in safarkooda Ethiopia 70% ay kasoo gaaren guul, isla markaana wadahadalka labada dal uu yahay mid bilow wanaagsan ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

