NISA oo 3 qodob u diyaarisay difaacida Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab aysan awood buuxda u laheyn iney weeraro toos ah la galaan ciidamada qaranka Soomaaliya, balse ay kusoo koobmeen waxyeeleynta rayidka oo kaliya.

C/raxmaan Tuuryare “Cumda”, taliyaha nabad sugida Qaranka ayaa sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliya ay diyaar u yihiin iney dicaafaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ayna ka hortagaan weerarada Al-shabaab u geystaan dadka shacabka ah.

Taliyaha nabad sugida ayaa sheegay in hayada sirdoonka qaranka Soomaaliya ay diyaarisay qorshooyin badan oo looga hortagayo  waxyeelada rayidka u geysanayaan dadka shacabka ah, isagoo sheegay in ciidamada qaranka ay diyaar yihiin mar walbaa.

Qorshooyinka cusub ee uu sheegay taliyaha nabad sugida qaranka ayaa waxaa kamid ah in dowlada Soomaaliya ay sugeyso agab looga hortago qaraxyada iyo weerarada alshabaab, halka qalabkaasi qaarkood uu sheegay in gacanta dowlada uu ku jiro.

Sidoo kale wuxuu sheegay Tuuryare in la dajiyay qaabab cusub oo looga hortago karo Alshabaab laguna heli karo dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho,waxaana kamid ah in la sameeyo deriseynta shacabka magaalada Muqdisho.

Taliyaha nabad Sugida Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in la dajiyay qidad cusub oo Alshabaab loogula dagaalamayo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay iney soo dhaweynayaan dhalinyarada ka tirsan Alshabaab ee dooneyso iney kusoo biiraan dowlada federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com