Nadaara “Haddii wax kale aysan soo bixin madaxweynaha wuu laabanayaa”

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa ku hoyanayo madaxweynaha maamulka koofur Galbeed.

Safarka Shariif Xasan waxaa ku wehliya wasiirka amniga maamulka koofur galbeed iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada oo maalmahaan safaro ku marayay deegaanada Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka maamulka koofur Galbeed C/qaadir Nadaara ayaa sheegay in safarka Shariif Xasan ee Afgooye uu xabaarsan yahay ujeedooyin dhanka amaanka ay kamid yihiin.

Waxaa sidoo kale qorshaha Shariif Xasan ee Afgooye kamid ah dhameynta hishiiskii horey loo kala dhex dhigay Beelaha Biyo maal iyo Habar-gedir.

Nadaara wuxuu sheegay in safarka Shariif Xasan ee Shabeelaha Hoose uu kamid yahay qorshaha maamulkiisa ee dar dar felinta dhismaha baarlamaanka maamulkaasi.

Shariif Xasan ayaanan tagi doonin degmo kale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose wuxuuna ku laaban doonaa magaalada Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenka maamulkasi.

Shariif Xasan ayaa safaro kala duwan ku tagay Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo uu maamulkiisa ka arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com