Natiijada doorashooyinkii Galmudug oo la shaaciyay – Sidee ayaa loo kala helay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamulka Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Luulyo.

Guddiga doorashooyinka ayaa saacadihii u dambeeyay ku howlanaa tirinta iyo xaqiijinta codadkii laga dhiibtay goobaha codbixinta, iyadoo guddoomiyaha guddiga uu galabta shaaciyay in doorashooyinkii ka dhacay deegaannada Galmudug ay codeeyeen 197,971 qof, halka codadka ansaxay ee doorashada goleyaasha deegaanka ay noqdeen 191,504 cod.

Codadka xumaaday ayaa noqday 6,467 cod. Guddoomiyaha guddiga ayaa sidoo kale sheegay in wadarta guud ee kuraasta lagu tartamay ay ahayd 247 kursi.

Sida loo kala helay codadka iyo kuraasta goleyaasha deegaanka:

  1. Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka: 106,388 – wuxuu helay 115 kursi, oo ah 47% kuraasta la tartamay.
  2. Ururka Towfiiq: 26,063 cod – wuxuu helay 49 kursi.
  3. Ururka Karaama: 22,029 cod – wuxuu helay 29 kursi.
  4. Ururka Sincad: 19,901 cod – wuxuu helay 25 kursi.
  5. Ururka Madalsan: 3,960 cod – wuxuu helay 10 kursi.
  6. Ururrada kale ayaa qaarkood helay hal kursi, halka kuwo kalena aysan wax kursi ah helin, sida Ururka Tiir iyo Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Natiijada Golaha Wakiillada

Doorashadan ayaa ka dhacday 11 degmo, waxaana Golaha Wakiillada ku tartamay 12 urur siyaasadeed.

Wadarta dadka codeeyay ayaa ahayd 197,971 qof, halka codadka ansaxay ay noqdeen 193,451 cod. Codadka xumaaday ayaa iyaguna noqday 4,520 cod. Waxaana lagu tartamay 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah.

Sida loo kala helay kuraasta Golaha Wakiillada:

  1. Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka: 63 kursi.
  2. Ururka Towfiiq: 12 kursi.
  3. Ururka Sincad: 6 kursi.
  4. Ururka Karaama: 5 kursi.
  5. Ururka Ramaas: 1 kursi.
  6. Ururka Madalsan: 1 kursi.
  7. Ururka SAAB: 1 kursi.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu waaweyn ee sanadkan ka dhacay Galmudug.

Doorashadan oo dhacday 30-kii Luulyo ayaa ahayd mid dadweyne, waxaana tan iyo waaberigii maalintaas goobaha codbixinta buux dhaafiyay kumannaan qof oo ka kala yimid degmooyinka Galmudug si ay codadkooda u dhiibtaan una soo doortaan hoggaankooda.

Doorashada ayaa isugu jirtay doorashada Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka. Golaha Wakiillada waxaa ku tartamay 12 urur siyaasadeed, iyadoo ay isu soo sharaxeen 369 musharrax oo ku loollamayay 89 kursi. Sidoo kale, doorashada goleyaasha deegaanka waxaa ku tartamay 16 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay ka sharaxnaayeen 924 musharrax oo ku tartamayay 243 kursi.

Si kastaba, doorashadan ayaa noqotay tii afaraad ee guddigu qabto kadib markii uu dhammaadkii sanadkii 2025 doorasho ka hirgeliyay gobolka Banaadir, halka sanadkan uu sidoo kale doorashooyin noocan oo kale ah ka qabtay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News