Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii kulan ku yeeshay Aqalka Cad, xilli xiriirkooda uu wajahayo khilaaf sii kordhaya, shan bilood kaddib markii labada dal ay bilaabeen dagaalka Iran oo noqday mid ka adag sidii ay labada hoggaamiye filayeen.
Xiisadda u dhexeysa Trump iyo Netanyahu ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si tartiib ah u sii xoogeysanaysay, waxaana ilaa dabayaaqadii toddobaadkii hore aan la hubin in madaxweynaha Mareykanka uu oggolaan doono inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Israel.
Si kulanka loo xaqiijiyo, maamulka Trump ayaa Netanyahu ku cadaadiyey inuu qaado tallaabooyin muujinaya inuu dhab ka yahay horumarinta wada-hadallada nabadeed ee Mareykanku garwadeenka ka yahay ee Gaza iyo Lubnaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo dad xog-ogaal u ah arrinta.
Trump oo ka carooday cadaadiska Iran
Saacado ka hor kulanka, Trump ayaa u muuqday inuu ka carooday suurta-galnimada ah in Israel ay si fagaare ah Aqalka Cad ugu cadaadineyso inuu sii wado dagaalka Iran.
Wareysi uu siiyey Fox News ayuu Trump ku sheegay in goob Iran ku taalla oo lagu magacaabo Pickaxe Mountain, taas oo ay sirdoonka Israel dhowaan diiradda saareen, aysan ahayn “dhibaato weyn.”
Hadalkaas ayaa muujiyey kala duwanaanshaha u dhexeeya labada hoggaamiye ee ku saabsan sida loo wajaho Iran iyo in dagaalka hadda socda la sii ballaariyo.
Kulanka oo socday ku dhowaad saacad markii uu soo dhammaaday, Netanyahu ayaa ku tilmaamay “mid ka mid ah wada-hadalladii ugu wanaagsanaa” ee uu abid la yeesho Trump.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu xiriir wanaagsan la leeyahay Netanyahu, wuxuuna Israel ku ammaanay inay Mareykanka ka caawisay wiiqidda awoodda Iran ee horumarinta hub nukliyeer ah.
Si kastaba, labada dhinac midkoodna ma bixin tilmaam cad oo ku saabsan istaraatiijiyadda dhow ee Aqalka Cad ee Iran iyo kaalinta ay Israel ku yeelan doonto.
Saameyntii Netanyahu oo hoos u dhacday
Netanyahu ayaa muddo bilo ah raadinayey kulan uu la yeesho Trump, xilli uu gudaha Israel kala kulmayo dhaleeceyn sii kordheysa, doorashooyinna ay soo dhow yihiin.
Mas’uuliyiin ayaa sheegay in Netanyahu uu Washington ku yimid isaga oo leh saameyn iyo awood siyaasadeed oo ka yar tii uu lahaa booqashooyinkiisii hore.
Waxa uu sidoo kale si gaar ah uga taxaddarayey waxyaabaha uu Trump doonayo in laga hadlo iyo arrimaha laga yaabo inay ka careysiiyaan madaxweynaha Mareykanka.
Geerida Senator Lindsey Graham ayaa iyaduna dharbaaxo weyn ku noqotay Netanyahu, maadaama senatarkii Jamhuuriga ahaa ee South Carolina uu muddo dheer ahaa dhex-dhexaadiye isku xira Trump iyo hoggaamiyaha Israel.
Dhibaatooyinka siyaasadeed ee Netanyahu ku haysta Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sii kordhayey, isaga oo wajahaya cadaadis uga imaanaya xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo sidoo kale Dimuqraadiyiinta.
Ka hor booqashadiisa, Trump ayaa si gaar ah saaxiibbadiisa ugu muujiyey caro uu ka qabo Netanyahu, isaga oo sidoo kale wareysiyo fagaare ah ku muujiyey niyad-jab ku saabsan sida uu dagaalka Iran u sii dheeraaday.
Gaza iyo Lubnaan oo khilaafka qeyb ka ah
Qodobbada khilaafka ka dhex abuuray Mareykanka iyo Israel waxaa ka mid ah dagaalka Gaza iyo colaadda ka taagan Lubnaan ee u dhexeysa Israel iyo xoogagga Xisbullah ee Iran taageerto.
Si kulanka Trump loo xaqiijiyo, Netanyahu ayaa oggolaaday in ciidamada Israel dib looga soo saaro waxa loogu yeeray “aagagga tijaabada” ee koonfurta Lubnaan.
Ciidamada dowladda Lubnaan ayaa loo daabulayaa goobahaas, si loo tijaabiyo awooddooda ay ku sugi karaan ammaanka deegaannada la cayimay.
Netanyahu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Israel ay xubnaha Golaha Nabadda ee uu Trump hoggaamiyo u oggolaan doonto inay galaan Gaza, kaddib bilo ay arrintaasi hakad ku jirtay.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel kama jawaabin codsi faallo ah oo loo diray.
Kulanka Trump kaddib, Netanyahu ayaa ka qeyb galay aaska Senator Lindsey Graham.
Markii martidu ku qulquleysay Washington National Cathedral, Netanyahu ayaa la arkayey isaga oo la sheekeysanaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka.
Waxaa ka mid ahaa safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Mike Waltz, Xoghayaha Ganacsiga Howard Lutnick iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo isaguna Trump la kulmay maalintaas.
Markii weriyaha Fox News Sean Hannity uu ka hadlay aaska Graham, wuxuu ku tilmaamay senatarka inuu ahaa saaxiibkii ugu weynaa ee Israel.
Netanyahu iyo xaaskiisa oo fadhiyey goobta ayaa madaxa u ruxay si ay u muujiyaan inay hadalkaas ku raacsan yihiin.
Dagaalka Iiraan oo sii dheeraaday
Kulankii ugu dambeeyey ee Trump iyo Netanyahu ayaa dhacay bishii Febraayo, wax yar ka hor inta aan la bilaabin duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israel ay ka fuliyeen Iran.
Waqtigaas, Netanyahu iyo madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Trump u bandhigay qorshe lagu doonayey in lagu rido maamulka Iran, sida uu sheegay sarkaal Israeli ah.
Dagaalka ayaa haatan socday muddo ka dheer intii Trump markii hore saadaaliyey, wuxuuna weli yahay mid aan taageero badan ka haysan cod-bixiyeyaasha Mareykanka.
Arrintaas ayaa Netanyahu ku abuurtay dhibaatooyin siyaasadeed oo uga imaanaya Jamhuuriga iyo Dimoqraadiyiinta labadaba.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa dhowaan ku eedeeyey xubno ka tirsan dowladda Israel inay ka dambeeyaan olole xiriirka dadweynaha ah oo lagu doonayo in dagaalka “si aan xad lahayn loo sii wado.”
Hadalladaas oo uu Vance ku sheegay wareysi uu siiyey Joe Rogan ayaa muujiyey khilaafka sii kordhaya ee xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ee ku saabsan mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Israel.
Sidoo kale bishan, in ka badan 100 xubnood oo Dimoqraadiyiin ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa u codeeyey wax-ka-beddel lagu joojin lahaa maalgelinta milateri ee Mareykanka siiyo Israel.

