Nin aad taqaan yaa tahay lama yiraah: Doorashadii C/Weli Gaas ee Puntland

“Qofka aan fahmin waxa jira, waxa soo socdana ma fahmo!” 

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa Mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Waxaan qormadan ku eegi doonnaa haduu Alle idmo, taariikhda Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee hadda hogaanka Puntland loo doortey,  iyo waxa laga filankaro iyadoo la tixraacayo hab-dhaqankiisii iyo sooyaalkiisii siyaasaseed kadib markuu xilka Ra’isulwazaarenimo qabtey. Magacyada reeraha ee aad qoraalkan ku dhex arkidoonto, waxaa loogu talagalay oo kaliya in fahamka qormadu fududaado. Qoraalka waxaa sidoo kale la socda Link-yo aad muhiim u ah, balse fadlan qoraalka marka aad dhameeyso uun wada eeg si uu fahamka faalladu isugu kaa raaco.

Inta aanan u galin doorashadii Cabdiweli bal aanku hormaree, soowtan Dhaxalkii saldanada maamulka Puntland uu dib ugu laabtay 15-sano kadib Juffadii biloowdey sida shaxda taariikheed ee hoose aad ku arki doono! Goormaase la arkayaa beelaha kalee ku dhex nool Maamulka oo “Madaxweyne” mar uun ka noqda Maamulka? Mise inkastoo afka baarkiisa laga sheego in Puntland tahay “Maamul Goboleed” qabaa’illo dhowr ah oo wada dhashey, oo hadana wada daga eey wada dhisteen, ayaa hadana xaqiiqda dhabta ah ee biyo kama dhibcaanka ah waxeey noqoneeysaa in Puntland tahay “Maamul Beeleed/MAJEERTEENIYA” Hal beel oo gaar ahi leedahay, oo eey tahayba Maqaayad iyaga oo kaliya u shidan. Hadii taariikhda jiritaanka maamulka Puntland aad dib u raacdo, waxaa kuu soo baxeysa, nuuca Maamul ee meesha ka jira, iyo dhab ahaantii waxa eey tahay Puntland. Bal si dhib yar ugu fiirso Taariikhda “Madaxweeyneyaaashii” soomarey Maamulka puntland iyo Reerahooda:

1998 “Madaxweyne” Col. Cabdilaahi Yusuf Axmed (Cumar Maxamuud, MAJEERTEEN)

2005 “Madaxweyne” Gen.Cadde Muusee Boqor (Cismaan Maxamuud, MAJEERTEEN)

2009 “Madaxweyne” Mr. Cabdiraxmaan Faroole (Ciise Maxamuud, MAJEERTEEN)

2014 “Madaxweyne” Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (Cumar Maxamuud, MAJEERTEEN), soow xaalku ma aha, back to square one! Bal aan dib ugu laabto Qormada [Mas’uulka] eey ku socoto ee ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

MA CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS KAAN OGAA MISE MID KALE!!!

Hadaan taariikh kooban idinka siiyo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu siyaasada dalka kasoo dhex muuqdey xilligii uu Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed dalka Madaxweynaha ka ahaa. Xilligaas oo uu olole weerar warbaahineed oo joogta ah Qabyaalad darteed uu ku hayey hogaamiyihii Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee xilligaa: Sh.Shariif Sh.Axmed, Isagoo doodiisu eey ku saleeysneyd in wax la dhoho Maxaakimba aaneey jirine, waxani yihiin Beel Xamar dagta “Hawiye”, oo diidan xukunka beeshiisa ama waliba juffadiisa hoose ee Cumar Maxamuud, MAJEERTEEN. Waxaa idaacadaha laga maqli jirey isagoo Wallad Cabdallah heysta shirarka dhexdooda. Wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley in uu Bulshada Caalamka ugu shaabadeeyo Sh. Shariif Sh. Axmed nin argagixiso ah, oo halis weyni eey kasoo socoto, sikastoo macquul ahna in looga hortago eey tahay. Saxaafada qaar ee aadka ula socotey arimihiisa waxeey xilligaa ka diyaariyeen barnaamij caan baxay oo dhowr qeeybood ahaa, lana magac baxay “Heer-kulka qabyaaladeed ee Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”.

Taariikhdiisaa Qabyaaladeed ee dhuuxa ku jirta darteed, ayaa koox uu ku shubtey C/Raxmaan Faroole oo Qurunkiisa Qabyaaladeed eey xitaa Cable-kii Wikileaks faafisey ee Safiirka Mareyka ee Nairobi inta la yaabay uu ku sheegey in eey ninkan uga dhagtey 1991-kii, heerka fikir qabyaaladeedkiisu gaarey darteed, iyo kuwo eey ka mid ahaayeen Shariif Sakiin oo lacag uun eey u darantahay iyo Mahiga oo matalayey hey’adaha Nairobi $1Billion-ka Soomaaliya loogu talagalay sanadkasta ku cuna, oo markaa danaha Dalka iyo Dadka dartiis eey isugu dhaceen Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isu kaashadey, sidaana Afgambi jagada uga tuurey Mudane Farmaajo. Nasiibdarradii ugu weeyneeydse waxeey dhacdey kadib markii Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo asxaabtiisii midba meel uga soo dhaqaajiyey, illaa uu kaligii soo istaagey, garasho xumadiisa iyo aragti fog la’aantiisa darteed, uu ninkii isaga sidaa xun Qabyaalad darteed weerarka joogtada ah ugu hayey, uu u ogolaadey in uu Ra’isulwazaarenimo u magacaabo. Taasi soow ma dhalin in wixii la wada ogaa dhacaan, isagana sidii ruux meeyd ah oo kale la isaga dul shaqeeysto, illaa Degmooyin uu magacaabey Cabdiweli oo xifaaltanka siyaasada qabyaaladeed ku seexda kuna soo toosa uu u diido isagoo Sh.Shariif Sh.Axmed uu waliba Madaxweynihii dalka yahay! Qormooyinkii xilliga laga sameeeyey waxaa ka mid ahaa tan uu qorey Bashiir M. Xirsi ciwaankeeduna ahaa “Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay” .

U SADBURINTII PUNTLAND IYO EEXDII QABYAALADEED EE CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS

Intii uu Ra’isulwazaaraha ummada Soomaaliyeed oo dhan uu uga ahaa Dowladii Federaalka ee Soomaaliyeed, wuxuu caan ku ahaa Qabyaalad gaamurtey iyo Sad-Bursi, Eex-Qabiil oo qabyaalad ku dhisan. Cabdiweli waa ninka shirarkii caalamiga ahaa ee looga hadlayey waxbarashada Africa, kana dhacay magaaladda Accra ee dalka Ghana, kaasoo la qabtay 25-tii ilaa 27-dii September 2012, ayna isugu imaanayeen in ka badan 25-wadan oo Africaan ah, kuwaasoo xubno ka ah urur waynaha lagu magacaabo “Global Partnership for Education (GPE)”, oo ay Dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd-Ileyn iyadaa Soomaali oo dhan wada matashee- Waa kan Cabweli Gaas u dirsadey wafdi si toos ah uga baxay Puntland, sidii iyadoo Puntland ay Soomaali oo dhami wada matasho! Warqadii shirka loo direy waxaa qorey Wasiirkii Waxbarashada ee xilligaa: C/weli Gaas Axmed Ceydiid, waxayna si toos ah ugu socotay Global Partnership for Education (GPE), iyadoo warqadda qaybteeda hore lagu codsaday in ay Soomaaliya ururkaas member ka noqoto, markii la oggolaaday ayaa nasiibdarro! Halkii ay dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd oo faa’idooyinka ka soo baxana ay gobollada Soomaaliya oo dhan ugu qaybin lahayd, ayaa Cabdiweli Gaas ugu sadburiyey maamulka beeshiisa ee Puntland, si faa’idooyinka shirkana eey Puntland kaligeed si sadbursi iyo xaqdarro qabyaaladeed darteed ah eey ugu qaadato.

Shirkaas waxaa Puntland uga qayb-galay wafdi uu hogaaminayey Agaasimihii Guud ee wasaaradda waxbarashadda Puntland Mr. Maxamed C/wahab Axmed. Faa’iidooyinka shirkaas uga soo hoyday Puntland waxaa ka mid ahaa: A-In Puntland laga caawiyo mushaaraadka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe. B-In laga caawiyo tababarka, tayaynta macalimiinta iyo hagaajinta maamulkoodaba. C-In laga caawiyo horumarinta waxbarashada gabdhaha ardayda ah iyo kuwa macalimiinta ahba.D-In Puntland laga caawiyo dib u fiirinta iyo horumarinta qorshaha waxbarasho ee 5-sano (2012-2017), illaa maanta ayeey kaligeed dhuuqeeysaa Puntland Sadbursigaa. Malaha waa waxyaabaha Cabdiweli ku muteeystey in lagu abaalmariyo Hogaanka maamulka beeshiisa ee Puntland. Bal u fiirsada, wixii manfac ahaa ee shirka ka soo baxay waxaa si sadbursi ah u qaatay Puntland oo dowladdii Federaalka ahayd matashay! Bal Soomaalida kale Puntland wakiillo matala maku lahaayeen sida ay Puntland wakiilo danaheeda matala ugu laheyd Dowladdii Federaalka aheyd ee Soomaaliya, illaa maantana eey ugu leedahay, Nasiibdarro! C/weli Gaas sidaas ayuu PhD ku haystaa oo uu maamul wanaag nin aqoon u leh ku yahay! Qormo cadeeymo sawiro iyo waliba qoraallo saxiixan wadata ciwaankeeduna ahaa “Taariikhda Madow ee Dr. Cabdiweli Gaas” ayaa waxaa ka qoray: Qoraa sare Abdi Osman 20-kii Luulyo Sanadkii 2013.

Wuxuu sidoo kale isagaba si public ah uga qirtey in qalabkii dowlada Talyaanigu uusoo siiyey dowladii Federaalka ah si eey dib ugu dhisaan Caasimada Dalka, oo ah burburka dagaal ee dalka ka dhacay meesha ugu badsatey, baaba’a ugu xooga badanna uu soo gaarey, ahna caasimadii iyo bilicdii dalka oo madaxda caalamku dowlada kusoo booqanayaan, ayuu qalabkaa Talyaanigu arintaa u bixiyey, wuxuu si toos ah ugu leexiyey qaab sadbursi xagjirimo ah iyo eex-qabyaaladeed maamulka reer tolkii ee Puntland, si eey Garoomada, Dakaddaha iyo Wadooyinkaba ugu dhistaan. Bal daawo wareeysigan eey ka qaadey Idaacadda la magacbacdey Somali Public Radio ee ka howlgasha labada magaalo ee Mareykanka, Soomaaliduda aadka u dagto ee Minneapolis iyo Saint Paul, gaar ahaan Daqiiqada 17:26aad illaa daqiiqada 19:59aad ee wareeysaga  oo uu ku qiranayo, waliba ku faanayo arintaa Sadburisga iyo Eexda Qabyaaladeed. In badan ayaa isha ku heeystey waxa uu ku dhexsameeynayo ee uu barayo, badayana Ummada Soomaaliyeed, ee qabyaaladaa iyo qurunkaa ah, isagoo walibana haya darajo iyo xil Qaran. Waxaa sidoo kale sawiro tiro dhaafey ka sameeyey xilligaa Cartoonist-taha weyn ee Soomaaliyeed ee caanka ah ee AmirArts.

DHINACA HORUMAR DHAQAALE IYO MID BULSHABA EE LAGA FILAN KARO DR. CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS

Inkastoo Cabdiweli Gaas yahay nin Economis-te ah, oo la filayey in eey aqoontiisaas noqoto mid dhaqaale ahaan ummada Soomaaliyeed ee Ra’isulwazaaraha uu u noqdey xilligaa wax uga badala, ayaa hadana ogoow wuxuu ahaa ninkii ugu yimid qasnada dowladii Federaalka ah oo uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intuu Ra’isulwazaaraha ka ahaa uga tagay $ 7-Million oo qaranku lahaa, Nasiibdarase! Maalintuu ka tagayey Cabdiwali M.Cali Gaas oo uga dambeeyey xilka, iskadaa in uu wax kusoo kordhiyo’e shillin ugama aanu tagin, sidaa waxaa qudbadiisii musharaxnimada Madaxweynenimo caalamka ugu sheegey Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaana uga sii marqaati kacay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo maalin qura doorashadiisi kadib wareeysi ku bixiyey in Qasnada dowladu ay faaruq tahay. Waxaa sidoo kale ummadu wada ogtahay in xilligii sanadka qura ahaa ee uu Ra’isulwazaaraha dalka ka ahaa, in rag uu isaga ka mid ahaa, oo sadex ahaa (Sh.Shariif, Isaga: Cabdiweli ah, iyo Shariif Sakiin) eey koooxda Dabagalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey “UN Monitoring group on Somalia” eey ku eedeeysey warbixintoodii 2012 in eey lunsadeen, oo ummadan tabaaleeysan ee taagta daran ka boobeen hanti aduun dhan ah oo gaareeysey Boqol iyo Konton Million oo Doolarka Mareeykanka ah ($150-Million/=). Waxaa intaa sii dheereeyd in xilligaa warbixinta lagu sii baraajiyey in shilimaadka dowladii Federaalka aheyd kasoo galayey dhinaca Mujtamaca Caalamka, Tobankii Doolarba ee la siiyaba, Sideed kamid ahi eey Jeebkooda ku dhacdo. Ileyn isagaa Ra’isulwazare dalka ka ahaaye, bal aqoontii Dhaqaale ee taqasuskiisa ahaa, ma meeshii wax lagu wanaajin lahaa, ayey farsamadiisa dhaca iyo boobka hantida Qaran kaabtey? Ninka nuucaas ah waxba rajo iska laablakac ku dhisan yaan ummada qaar lagu galin.

VIDEO TUSAALE KAAGA FILAN GARASHADA LA’AANTA IYO AFGAROOCNIMADA DR. CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS

Waxaan soo xasuustey Cajal Al-Shabaab ka sameeysey Sheikh Shariif, oo eey ugu magacdareen, “Shariif Muslim, VS Shariif Murtad”. Kii oo kale yaa Kalshaale ka sameeysey Cabdiweli Gaas.

Bal ka daawo Link-ga video-gan, isagoo Cabdiweli Gaas “Cabdi Kaniini” “Askuliinteyaal/Qamriisteyaal/Qamriyo-Cabyaal/Sarqaamiin” ku wada tilmaamayaa intii Maamul Goboleedka Puntland madax kasoo noqotey oo dhan, iyagoon kala reeb laheyn. Hadana meeshuu Xaniinyo iyo Karti raganimo inta iska baaro uu dhihi lahaa, war waan khaldamay, bini’aadamkuna wuu khaldamaaye, haleeyga raali ahaado reer Tolkeeyoow, ayuu qaadashada khaladkiisii ayuu hadana Sanka ka taagayaa islaweyni iyo Guruur dartiis, markaasuu hadalkiisii oo uu ogyahay in saxaafada eey ka duubtey lana hadalhayo, ayuu in uu inkiro isku dayayaa, sidaa oo dadkuba xayawaano wada yihiin marka isaga laga reebo. Bal kawaran xishood iyo xushmad la’aantaa, garasho hooseeyntaa heer kaa gaartey, sariig la’aantaa, iyo afgaroocnimadaa gaamurtey. Subxaanallah! Ninbaa ku shirbey, “Ninkaad kusoo ribeey jirteen, sidii RIYUU rabtaan rorgaa!!!”

XAGGA XIRIIRKA MUSTAQBALKA DHOW EE DOWLADA FEDERAALKA AH IYO MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND

Cabdiweli Cali Gaas wuxuu ahaa Ninkii Dastuur-Ku-Sheegan la dhoodhoobey horboodayey, oo in badan oo ka mid ah maamulkii Faroole uu ku darsadey sida: Shaki galintii Caasimada Qaranka ee Muqdisho, sida daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo dhinaca kalena xoojinta maamul Goboleedyada-Maadaama Puntland tahay maamulka ugu tunkaweyn- Iyadoo ugu dambeyn dowladuba laga dhigey “Isutaga Dowlad Goboleedyada”. Waxaa dabcan sidoo kale Dastuur-Ku-Sheegaa wax badan ku darsadey heey’ado Gaalo, sida: Qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii 60-kii. Bal kawaran! sida uu sheegayo Dastuurka Qabyada ee Cusub, Shuruudaha Madaxweynaha kuma jirto in uu ahaado Muslim. Waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta Rasmiga ah ee Dalka, ku dhexfaafinta Dalka Diimaha kale IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii eey ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya, ummadana uga digayaa dastuur-Ku-Sheega. Ugu dambeyntiina waxaa qeeybtooda ku darsadey Dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya sida: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani uu ka dhashey, Jinsiyad qaadashada oo laga dhigey Shan sano oo kaliya, iyo ku dhalashada dalka oo kaliya iyada oo aan xooga la saarin in waalidka cunugaa Soomaali yihiin. Waxeey dowladaha dariska u yeeleen sidaa, madaama Jawaasiistoodu 23-sano ku dhex milmeen Soomaalida, ka guursadeen kuna ilmo dhaleen dalka, Qabaa’illada iyo luqadana barteen. Iyagoo kuwa waqooyi joogana si isweeydaaris iyo jahwareerin ah eey Reer Koofur ugu abtirsadaan, halka kuwa Koofurta joogana Reer Waqooyi ugu abtirsadaan. Dastuur-Ku-Sheegan Waxaa sidoo kale aad uga digey aqoonyahanka Soomaaliyeed talo bixin farabadanna ka biyey. Ogoow! Cabdiweli waxaa oo dhan wuxu ahaa ninkii ummada usoo qaadey, ee horboodayey, isagoo la jadbeeysnaa oo kaliya inta Puntland eey ku darsatey. Dhinaca kale maadaama uu ogyahay muhiimada eey leeyihiin goobaha lagu qabto heshiisyada iyo ugu magacdaridooda taariikheed, waa ninka u doortey in Garowe eey noqoto, sidaana Map-ka caalamka ugu darey “Garowe-1 iyo Garowe-2”

Ugu dambeyn, waxaa la wada ogyahay in kumeelgaarnimo laga baxay-Ugu yaraan waa sida la leeyahay’e- Garowe-1 iyo 2, iyo Saxiixayaalshiisuba kumeelgaarka ayey la baxeen. Waxaa sidoo kale Faroole aflabadii yeerayey in Dastuur-Ku-Sheega wax laga badaley-Malaha waa intii Puntland ku darsataye-Xassan Sh.Maxamuud-na waa hubaal in uu ka Karti iyo Raganimo badan yahay Sh.Shariif, ileyn sidii Sh.Shariif kama aanu tagin asxaabtiisii, oo waa kan ku dhagan oo wata’e, waxbadan oo Sh.Shariif laga sameeysteyna mari waayeene. Arimahan Dartuur-Ku-Sheega dartiis, iyo agendaha Sadbursiga Qabyaaladeed ee uu ku shaqeeyo Cabdiweli Gaas “Cabdi Kaniini” darteed, ma heshiin doonaan isaga iyo dowlada Federaalka. Waliba Cabdi Weli oo Hadafkiisa qabyaaladeed uu aad u fogyahay ficilna u badala, iyo Xassan Sh. Maxamuud oo madax adag oo waxkastoo Sh.Shariif la marsiiyey aaney mareyn, wallee xaalkoodu wuxuu noqondoonaa “Labo dhagax isku lis”, waanse u wada joognaa.

QABYAALADU HOOS MA ULA SII DAGI DOONTAA CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS MISE?

Aan iraahdee mushkilada Qabyaaladu leedahay waa in eey tahay sida Qobka Basasha oo kale, marka aad mid fiiqdaba midkalaa kasii hooseeya. Illaa eey ku tagto meel gunta hoose ah oo Basashuba dhamaato. Cabdiweli Cali Gaas-na waa nin eey Dhuuxa ka gashey bahasha Qabyaalada la yiraahdo, oo malaha ku riyooda habeenkasta rabana in uu “Reer Boqorka Aalu-Sucuud” oo kale Soomaaliya ka sameeyo. Shalay wuxuu ximinayey Soomalida kaloo dhan, wuxuu hiil iyo hooba ku tageerayey, una sadburinayey, oo waxkasta qaab eex qabiil ah uga wada xaglinayey “Reer Tolkiis: Majeerteen”, maantase su’aasha is weeydiinta mudan ayaa waxeey tahay, ma wuxuu hadana sadbursi iyo eex qabiil ku halaagidoonaa qabaa’illada kalee Puntland wax ka daga, ee aan Beeshiisa Majeerteen aheyn, sida: Warsengaliga, Dashiishaha, Dhulbahantaha, Gabooyada…..? Mise xaalkuba intaa wuu kala sii gudbidoonaa oo Jufo-jufo hoose ayuu xaalka la gaari doonaa, sida: Cumar Maxamuud, VS Cismaan Maxamuud, Ciise Maxamuud, Cumar Maxamuud….? Ileyn waa hubaal ninna Dhiigiisa iyo Dhogortiisa kama tago’e.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas “Cabdi Kaniini” taariikhdiisa mugdiga ah ee Qabyaaaladeed, Sadbursi iyo Eex Qabiil, Musuqmaasuq iyo dhaca/Boobka Hantida Qaran, Garasho darida iyo Afgaroocnimadiisa ayaa waxkasta ee laga filankaro inooga filan. Marka waxba Ummadan shucuur iyo laablakac aan caqli iyo u fiirsasho taariikheedd ku dhisneyn yaan lagu wareerinin. Mahadsanidiin.

Wabillaahi Towfiiq.

Writing only for SOOMAALINIMO

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com