Nin miino ku aasayey xaafadda Islii ee Nairobi oo la kulmay wax uusan fileyn

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhigga Boliska ee Xaafadda Satarehe ee magaalladda Nairobi, Barasa Wabomba ayaa sheegay inuu hal nin ku geeriyooday miinouu doonayey inuu ku aaso Deegaan aad loo deggan yahay oo ku yaalla Nairobi.

Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inay miinadda kula qaraxday dhismo ka kooban saddex dabaq oo ku yaalla Xaafadda Bangaani oo ku dhow Xaafadda Islii ee ay Soomaalida deggan tahay.

Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa la sheegay inay arkeen saddex nin oo orod kaga sii baxayey dhismaha uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa la tilmaamay inuu burbur u geystay daaqadaha iyo derbiyadda dhismaha uu qaraxu ka dhacay.

Taliyaha Saldhigga Boliska ee Xaafadda Satarehe ee magaalladda Nairobi, Barasa Wabomba waxa uu tilmaamay in ninka ay miinadda la qaraxday da’diisa lagu qiyaasay 18 ilaa 21-jir, wuxuuna xusay inuusan ninkaasi ahayn Soomaali.

Ma cadda kooxdii ka dambeysay qaraxaasi, inkastoo ay Hay’adaha Ammaanka ee Kenya inta badan ay ku eedeeyaan Xarakadda Alshabaab qaraxyadda ka dhaca dalkaasi.

Xigasho: AP