NISA oo qabatay Somali-American la raadinayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali Mareykan ah oo ka tirsanaa Alshabaab sanado badan ay gacanya ku dhigeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Xasan ayay qabteen  ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya bishii Nomember 6-deedii, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada Mareykanka oo masuuliyiin ka tirsan ay la hadleen wakaalada Wararka ee AP.

Pooja Jhunjhunwala, oo ah afhayeen u hadashay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay in Maxamed Xasan uu ku jiro xabsi ciidamada sirdoonka qaranka leeyihiin oo ku yaala magaalada muqdisho, waxayna sheegtay in ciidamada Mareykanka ee Jooga Soomaaliya ay arimahaasi kala hadlayaan dowlada Soomaaliya.

In dowlada Mareykanka ay shaaciso in Maxamed Xasan gacanta ku dhigeen ciidamada sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii uu dil geystay ruux la sheegay inuu baraha internetka uga dhiirigeliyay inuu dil ka geysto dalka Mareykanka.

“Ma heyno faahfaahin dheeraad ah waxaana hadda socdo wadahadal arimahaasi ku saabsan”ayay tiri afhayeenka u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka.

Xafiiska xeer ilaalinta Mareykanka ee gobolka Minnesota, ayaa ku eedeeyay Maxamed Xasan inuu ku luglahaa dacwado ku saabsan amni daro, mana aysan ka hadlin ilaa iyo hadda isa soo dhiibitaanka Maxamed Xasan.

Maxamed ayaa waxaa naaneys ahaan loo yaqaanaa Miski markii uu ku noolaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana maalin ka hor lagu eedeeyay inuu ku luglahaa weerarkii nin iyo xaaskiisa ay ku dileen 14 ruux oo ka dhacay magaalaa San Bernandino.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com