Maxay tahay halista ka jirta dekadda Muqdisho ee ay shaacisay hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano NISA ayaa eedeyn culus u jeejiyey taliska booliiska dekadda Muqdisho & kastamka wasaaradda maaliyadda Somalia.

NISA ayaa sheegtay in dhinacyadaas ay ka hor yimaadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo alaabada kala duwan ee laga soo dajiyo dekadda, si looga hortago in Shabaab ay ka soo degsato maadooyinka qaraxyada, iyada oo adeegsaneyso farsamooyin kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aysan shaqo ku laheyn haddii mas’uuliyad amni darro ay ka timaada dekadda weyn, balse wax laga weydiin doono saldhigga Booliiska dekadda, laanta ilaalinta canshuuraha, kastamka wasaaradda maaliyadda Soomaaliua & maamulaha furdada Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in muddo fog dabagal dheer lagu hayey dhaqaalaha kooxda Al-Shabaab ay ka hesho dekadda iyo galaangalka ay ku leedahay inay kala soo dagaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyada.

Hay’adda ayaa intaasi raacisay in horey gacanta loogu dhigay illaa 10 kunteenar oo ah maadooyinka qaraxyada, islamarkaana ay dooneysay in Al-Shabaab ka soo dagsato dekadda Muqdisho, iyada oo adeegsaneyso dad ganacsato ah oo loo xiray falkaasi.

Si kastaba marar badan ayaa horey looga digay in laga hortago qatarta dagaalyahanada Al-Shabaab ee dekadda Muqdisho, iyada oo dhowaan gacanta lagu dhigay maado laga sameeyo qaraxyada oo loo waday kooxdaasi oo weeraro iyo qaraxyo ka fuliso dalka.