ODAWAA: Daysmada Qalbi Dhagax waxa ay nabar ku tahay kuwii gacan geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Somalia u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa shalay laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Deysmada Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo noqoneysa hadal heynta ugu badan ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay shaqsiyaad kala duwan oo qaarkood xilal kala duwan horay usoo qabtay.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa kamid ah shaqsiyaadka ka hadlay deysmada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, waxa uuna sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo go’aanka ay Ethiopia kusii deysay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

Odawaa ayaa sheegay inay aad u kala wanaagsan tahay Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ku xiran Xabsi ku yaala Ethiopia iyo isagoo laga sii daayay Xabsiga oo xoriyadiisa dib u hantay.

Nuqul kamid ah qoraal uu Odawaa soo dhigay bogiisa Faceboo ayuu ku yiri “Waxaan si farxad leh u soo dhawaynayaa inuu walaalkeen C/karin Qalbi-dhagax uu xorriyaddisa dib u helay isaga oo aan abaal uga hayn intii gacan ka geysatay dhiibidiisa sanad ka hor”

Odawaa waxa uu intaa raaciyay qoraalkiisa  “Madaxweyne Farmaajo wali fursad baa u furan oo uu shacabka Soomaliyeed iyo Qalbi-dhax ku waydiisto Cafis”.

Odawaa oo kamid ah Mucaaradka dowlada ayaa xiligii dhiibista Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax kamid ahaa Xildhibaanada dowlada Somalia ku cadaadineysay in Qalbi dhagax lasii daayo.

Odawaa waxa uu horay fadhigii Baarlamaanka uga sheegay in haddii dhiibidiisa aysan ogeyn Madaxda ay tahay musiibo, haddii ay ogaayeena tahay  musiibo ka weyn.

Sidoo kale, Odawaa ayaa sheegay in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax uu kala garankaro cida u wanaagsan iyo cida ku dhibtay nolosha ee u gacan galisay dowlad uu ku tilmaamay cadow oo uu ula jeedo Ethiopia.

Haddalka Odawaa ayaa u muuqda mid lagu duraayo dowlada Somalia oo iyadu lagu eedeeyo in si ku tallo gal ah ay Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax ugu gacan galisay Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com