Odayaal dhaqmeed Al-Shabab la shaqeeyey oo xabsi laga daayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolada Dhexe ee dalka, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna ay xabsi kasii daayen Odayaal dhaqmeed la sheegay inay wada shaqeyn la yeeshen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Odayaasha Xabsiga laga sii daayay ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin Toban Oday kuwaasi oo maalmo u xirnaa Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe.

Odayaashaani ayaa markooda hore laga soo xirxiray deegaano hoostaga Gobolka Galgaduud, kadib markii ay xiriir qarsoodi ah la yeesheen Al-shabaabka ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Sargaal u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in Odayaashaasi dib looga siidaayay Saldhiga dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Sargaalka waxa uu intaa ku daray in Odayaasha ay lacago diyo ah ka qaaten Al-shabaab, balse Odayaasha ay ku doodayaan in Lacagta diyada ah ay ka soo qaateen Qabiil ka mid ah Qabiilada wax ka daga Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, Ahlusunna ayaa aad uga carootay in diyo lagu kala qaadanaayo deegaano ay maamusho ay goobjoog ka noqoto maleeshiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com