Olole lagu doonayo in lagu maxkamadeeyo taliye ku xigeenadii NISA oo socda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmo ka hor Agaasimaha guuda ee NISA uu shaqo ka joojin ku sameeyeey Laba ku xigeenadiisa ah ,kuwaas oo kala ah:Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamad oo mudo ahaa Taliye-ku-Xiggeenka Dhinaca Sirdoonka NISA iyo G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur Jaamac.

Labadaba waxaa hadda lagu haystaa inay ku takrifaleen awoodda hay’adda. Agaaimaha Nabdasugidda ayaa waxaa uu labdodababa ku sameeyey shaqo ka joojin, waxaana la sugayaa inuu madaxweynaha xilalka ka xayuubiyo si loo maxkamadeeyo.

S/Guuto Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa loo haysataa edeymo badan oo saldhigoodu yahay inuu siduu rabo u isticmaalay awooodda xafiiska, waxaa kaloo loo tiiriyey inuu lug ku lahaa qarraxyo magaalada ka dhacay iyo ka ganacsi dadka la soo xeray ama la daayey.

Sido kale G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur ( Jaamac ) oo ahaa Taliye xigeenka Dhinaca Maamulka iyo Maaliyada NISA ayaa lagu eedeeyey arrimo ka mid yihiin: musuq maasuq, qaatayna hantida Hey’adda, taas oo uu u isticmaalay si gaar ah, dilal iyo qaraxyodad ay ku la’deeen.

Warar kale ayaa sheegaya in raggaas la maxkmadeyn rabo suuragalna ay tahay in la geeyo maxkamadda cidamada qalabka sida si luu xukumo  iyadoo u cuskaneysa khalkhal gelinta amaanka.

Labada taliye xigeen ee xilka laga qaaday ayaa ka hor imaaday xil ka qaadista lagu sameeyey iyagoo ku andacoonayo inuusan taliyaha awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

Wararka qaar ayaa sheegayo in xil ka qaadistaas uu ka dambeeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida uu dastuurka qabo madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u leh in xil ka qaadista iyo magacaabista dhammaan xilalka ciidamada noocyadooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com