25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada Amisomoo dad shacab ku laayey Sh/Hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow ee gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood Nuur Cismaan Raage oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa ku eedeeyey ciidanka AMISOM inay si bareer ah u laayeey shacab beeraley ah.

Nuur Cismaan ayaa xusay in qaraxa kadib ciidanka AMISOM ay galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay wadada qabteen labo darawal, kadibna ay hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin yahoy dhib ayaa dhacay waxaa la dilay dad 7 qofood gaaraya oo shacab ahaa waxaa lagu laayey Golweyn iyo inta u dhexeysa Danow. Saaka ciidamada AMISOM ah oo soo gudbinayey gawaari raashin geysay ayaa soo baxay Shabaab ayaa wadada u gashay oo miino u dhigtay, markii miinadii la qarxiyana waxay sameeyeen ciidankii AMISOM waxay dhex-galeen dad beer joogay u shaqaale u badan, ninkii iska lahaa iyo laba darawal ayey isugu keeneen hal meel, kadibna way laayeen,” ayuu yiri gudoomiyaha Shalanbood.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Koonfur Galbeed iyo dowladd federaalka ah inay soo fara-geliyaan arrintaas, si wax looga weydiiyo taliska guud ee ciidamada AMISOM.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo tacadiya kale u geysta dadka shacabka ah, xilliyada ay weerarada dhaba-galka ah kala kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Puntland oo shaacisay xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta shaaciyey guddiga golaha wakiilada maamulkaasi u qaabilsan qabashada doorashada kuraasta Aqalka Sare ee taalla magaalada Garoowe.

Guddiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha ayaa ka kooban illaa shan xabnood oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana ay kala yihiin:

  1. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
  2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi Xubin
  3. Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri Samata Xubin
  4. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Saha Xubin
  5. Xil. Cabdiqani Nuur Faarax Xubin.

Cabdirashid Yuusuf Jibriil guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dhinaca kale shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada Aqalka Sare, wuxuuna sheegay inay dhaceyso maalinta Arbacada ah oo ku beegan 11-08-2021-ka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa go’aankan ku wargeliyay guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo kan heer dowlad goboleed ee Puntland, si ay u qaataan doorkooda.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tallaabada uu qaaday guddoomiye Jibriil ayaa daba socota tii  Deni oo xalay shaaciyey liiska 22 musharrax oo ku tartamaya 11-ka kursi ee ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee bilaaba doorashooyinka, waxaana ka horreeyey Jubbaland iyo K/Galbeed oo qabtay doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare.

Muxuu Farmaajo ugu dhegan yahay qaadka Itoobiya, una diidan yahay midka Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gashay qalalaase siyaasadeed oo kaga yimid meel aan la fileyn oo ah; qaadka dalka la keeno, kadib markii ay isku qabteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. 

Haddii aan isku dayno inaan soo koobno; dooddu waxay tahay Farmaajo oo leh “qaadka Kenya waa xaaraan, kan Itoobiyana waa xalaal” iyo Rooble oo leh “qaad waa qaad”. 

Hase yeeshee, doodda waa ay ka weyn tahay qaad, waxayna salka ku haysaa dano shaqsi, kuwa qoys, iyo kursi siyaasadeed. 

Qaadka Kenya oo markii ugu horreysay Soomaaliya laga joojiyey bishii March 2020, waxaa loogu soo ganbaday cudurka Coronavirus oo markaas dalka ka qarxay, taasi oo aan dhalin wax su’aalo iyo tuhun ah. 

Hase yeeshee, markii toddobaadyo kadib laga war helay in qaadka Itoobiya dalka yimaado, ayaa su’aalo badan ay dhasheen, ayada oo shacabka ay billaabeen inay is-weydiiyaan farqiga u dhaxeeya labada qaad.

Kooxda Farmaajo ayaa kadib billaabay olole warbaahineed, oo lacag badan lagu bixiyey, ayada oo la gaday sheeko ah “in Kenya naagal dhaxeeyo dagaal siyaasadeed iyo muran badeed, oo joojinta qaadkoodu yahay mid dagaalkaas qeyb ka ah.”

Hase yeeshee, waxaa durba soo baxday in sababta markii horeba qaadka Kenya loo xayiray aysan shaqo ku laheyn cudurka Coronavirus iyo xiisadda ka dhex-oogan Kenya iyo Soomaaliya, balse ay aheyd dano shaqsi, kuwa qoys iyo kuwa doorasho. 

Qaadka Itoobiya ayaa waxaa heshiis kusoo galay xubno ka tirsan qoyska Farmaajo si ay dalka u keenaan, waxaana la xayiray midka Kenya, maadaama kan Kenya uu yahay kan Soomaalida ay jeceshahay, oo haddii uu dalka sii yimaado aanay jirin cid iibsaneysa midka Itoobiya.

Waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya la keeno 30 tan oo qaadka Itoobiya ah maalin kasta, ayada oo saamiga ugu badan ay leeyihiin qoyska Farmaajo, balse ay jiraan ganacsato kooban oo reer Muqdisho oo ku leh saami kooban, kuwaas oo ah wejiga ganacsiga, halka xubnaha qoyska Farmaajo ay yihiin kuwa ka dambeeya. 

Qaadka oo laga sameeyo malaayin dollar, ayaa la rumeysan yahay in sanadkii uu xirnaa qaadka Kenya ay lacag badan uga soo xarootay qoyska Farmaajo, ayna ku adag tahay inay aqbalaan in qaadka Kenya dib loo furo, taasi oo ganacsigooda meesha ka saari karta. 

Ka sokow, danta ganacsi, qaadka Itoobiya laga keeno wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo, ayada oo lacagta kasoo xaroota qeyb ka mid ah loo dhigayey ololihiisa doorasho, sanadkii tegay.

Tani waa sababta ay Farmaajo uga go’an tahay inuusan ka gorgortamin dib u furitaanka qaadka Kenya, oo ganacsiga qoyskiisa ee qaadka Itoobiya soo geba-gebeyn karta. 

Dhinaca kale, tan iyo markii laga war helay in qaadka Itoobiya loo xiray qoyska Farmaajo, waxaa jiray cadaadis xooggan iyo qeylo dhaan ay wadeen ganacsatadii qaadka ka keeni jiray Kenya, oo caddaalad darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn go’aansaday in qaadka Kenya dib loo furo, haddii dalka oo idil aan laga wada joojineyn qaadka, waxayna tani horseeday dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay isaga iyo Rooble.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu horistaago qorshaha Rooble, isaga oo wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo looga yeeray maxkamada gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa looga yeeray inuu horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir, sida ku cad warqad baafin ah oo kasoo baxday Maxkamadda, oo ay heshay Caasimada Online. 

Warqadda ayaa lagu sheegay in Waare loo haysto dacwad madani ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo qeexin waxa ay tahay, waxaana madaxweynihii hore loo qabtay 15 maalmood oa ka billaabaneysa 2-da August, oo hadda toddobaad laga joogo. 

Warqadda ayaa lagu yiri “Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayadoo cuskaneysa qodobada 121 XHMS, waxay ku wargelineysaa Maxamed Cabdi Waare (Madaxweynihii hore ee HirShabelle), in ay Maxkamadda G/Banaadir ka taalo dacwad madani ah, kuna hor yimaado mudo dhan 15 Maalmood gudahood ah, oo ka billaabaneysa, maanta oo ay taariikhdu tahay 02/08/2021, kuna eg 16/08/2021.”

Maxkamadda ayaa Waare uga digtay in haddii uusan hor-iman ay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

“Haddaba waxaa lagula socodsiinaayaa in aad waqtiga dhowrto, haddii aad ku imaan weyso mudadaas, in ay maxkamaddu qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.”

Illaa iyo hadda ma cadda, sida uu madaxweyne Waare uga jawaabay arrintan, waxaana Caasimada Online ay isku dayday inay la xiriirto oo ay wax ka weydiiso balse uma suurta-gelin.

DENI oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo saaray liiska musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Deni ayaa soo qoray liis musharaxiin ah oo intooda badan ay cusub yihiin, isaga oo reebay xubnihii Puntland horey ugu matalayey Aqalka Sare.

Xubnaha laga reebay liiska musharaxiinta waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, inkasta oo wararka ay sheegayaan in isaga uu sidaas doonayey.

Puntland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee soo saaray liiska, kadib Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraasta.

Magacyada 22-ka musharax ee ku tartamaya 11-ka kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ayaa kala ah.

1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Maxamed Cusmaan Colaad
2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) iyo Kawsar Cabdulaahi Xirsl
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud
4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin
6- Daahir Ayaanle Saciid iyo Maxamed Cumar Maxamed
7- Farxaan Cali Xuseen iyo Hodan Isxaaq Maxamed
8- Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim
9- Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabduqadir Maxamad Yuusuf
10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciima Axmad Bakar
11- Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac 

Waxaa hadda la sugayaa in guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ay shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee xubnahan oo ay dooranayaan xildhibaanada baarlamanka Puntland.

Sacuudiga oo si arxan darro ah mar kale u beegsaday xubno ka tirsan XAMAS

Riyadh (Caasimada Online) – Xamas ayaa naxdin ka muujisay xukun ay maxkamad ku taalla Sacuudiga ku riday tiro Falastiiniyiin iyo Jordanian ah oo deganaa dalkaas.

Sida ay sheegtay Xamas, 69 ka mid ah xubnaheeda iyo taageerayaasheeda Sacuudiga, oo kasoo kala jeeda Falastiin iyo Jordan ayaa Axaddii lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa 21 sano.

Raggan ayaa la xiray saddex sano kahor, ayada oo lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin urur argagixiso islamarkaana ay lacag u ururinayeen. 

Xamas ayaa ah laan ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Sacuudiga iyo Dalalka Gacanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso. 

“Walaalahan ma aysan gelin wax dambi ah oo horseedi kara xukunadan adag ee aan cadaaladda aheyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xamas. 

“Waxay sameeyeen ayaa ahaa kaliya inay taageereen qadiyadda shacabkooda, taasi oo aan wax dhibaato ah ku aheyn boqortooyada iyo dadkeeda.”

Xamas ayaa soo dhoweysay go’aanka maxkamadda ay dambigi ugu weysay qaar ka mid ah dadka lasoo eedeeyey, hase yeeshee waxay sheegtay inay ka xun tahay xukunada adag ee aysan u qalmin ee lagu riday badankood. 

Xamas ayaa ugu baaqday hoggaanka Sacuudiga inay si deg deg ah usii daayaan raggan, ayna soo afjaraan silaca ay marinayaan qoysaskooda, oo socday laba sano ka badan. 

Dadka la xukumnay ayaa waxaa ku jira wakiilkii Xamas ee Sacuudiga Dr. Muhammad al-Khudari, oo 15 sano oo xabsi ah lagu riday. 

Wararkii ugu dambeeyey safarka Rooble ee Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda sare ee wadankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan wafdi horudhac u ah safarka Rooble inay gaareen magaalada Niarobi, si ay u agaasimaan soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha oo uu casuumaddan u fidiyey madaxweynaha dalka Kenya oo u soo wakiishay wasiirkiisa arrimaha dibadda Raychelle Omamo ayaa kala hadli doono Uhuru arrimo ay ka mid yihiin inuu si buuxdo dib ugu soo noqdo xiriirka labada dal, ka gudubka mad-madowga siyaasadeed ee labada dhinac iyo ka shaqeynta labada dan ee Somalia & Kenya.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu oo la hadlay BBC-da ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey socdaalka Rooble ee Nairobi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu daaran-yahay dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi ee wadamada Soomaaliya & Kenya.

“Safarka Ra’iisul Wasaaraha waxa ay la xiriirta dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi ee Soomaaliya & Kenya, in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen maadaama horay madmadow siyaasadeed uu soo kala dhexgalay,” ayuu yiri Macalimu.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Dano badan ayaa ka dhaxeeya Labada Dal sida Qaxootiga Soomaalida, Ciidamada Midowga Afrika iyo deris wanaagga waana waxyaabaha ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaasre Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweyne Kenyatta”.

Socdaalkan ayaa daba socda booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay maalin ka hor ku timid magaalada Muqdisho, taas oo wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba safarka Rooble uu ku aadayo dalka Kenya ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ee ay si weyn isku hayaan madaxweynaha uu mudda xileedkiisu idlaaday.

Sawirro: Rooble oo gaaray Mombasa iyo wararkii ugu dambeeyey ee safarka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo xiligan uu ku sugan yahay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta ayaa yeelan doona wada-hadal, xili dib loo furay saafaradihii labada dal, islamarkaana uu soo hagaagayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka arrimaha dibedda Kenya.

Safarka Rooble ayaa sidoo kale banaanka u soo saaray arrin xasaasi ah oo qarsooneyd oo ku aadan dhinaca duulimaadka, gaar ahaan safarada madaxda dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay buuxisay shuruucdii duulista hawada sidaa awgeedna uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble duulimaadkiisu yahay SOM-001, taas oo ka dhigan in xittaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aduunka marka la’eego duulimaadyada madaxweynayaasha ay qaataan 001, ra’iisul wasaareyaashana ay qaataan lambarka 002, balse duulimaadka maanta ra’iisul wasaaraha ee lambarkiisu yahay 001, ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday.

Si kastaba, Villa Somalia ayaa xiligan gashay marxalad cusub, kadib markii uu khilaaf dhinac awooda iyo maamulka uu soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kaasi oo soo ifbaxay maalmihii u dambeeyay.

Xog: Waa maxay sababta uu QOOR QOOR meesha uga saarayo Abshir Bukhaari?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay Caasimadda Online ka heshay ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xaqiijineysa in Qoorqoor uu labadii todobaad ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa sidii uu meesha uga saari lahaa kurisiga Aqalka Sare ee uu ku fadhiyo Abshir Bukhaari.

Arrintan oo qeyb ka ah heshiis hoose oo ay galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Qoorqoor  ayuu Farmaajo ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in Abshir Bukhaari oo uu eedo badan ka tirsanayo meesha laga saaro.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa caqabad weyn oo maamulka Farmaajo ka hortaagnayd wax ka bedelka nidaamka federaalka dalka muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo ayaa sidoo kale arrintan ku tijaabinaya daacadnimada Qoorqoor iyo sida uu uga soo dhalaali karo fulinta dib-u-doorashada madaxweyne Farmaajo. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in durbaba uu Qoorqoor billaabay isku dayga ah kursigan loo wareejiyo Golaha Shacabka, si Abshir meesha looga saaro. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in kursigan uu Qoorqoor siiyo qof jufo hoose la ah Abshir Bukhaari, si uu xitaa uga rajo tiro Golaha Shacabka.

Dhanka kale, heshiiska Qoorqoor iyo Farmaajo waxaa ka mid ah in dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug lagu qoro taageerayaasha Farmaajo, maadaama ay yartahay fursadda uu Farmaajo ka heli karo kuraasta Golaha Shacabka oo qabaa’ilku ay leeyihiin go’aankooda.

Waxaa la xaqiijiyay in Senetor Samsam oo ka mid ah kooxda Farmaajo dib loo qorayo, halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed oo ku dhow Farmaajo kursigiisa loo soo wareejinayo Aqalka Sare, si loo damaanad qaado in uu dib u soo laabto, taas oo muujineysa dadaalka uu Qoorqoor ku bixinayo dib-u-soo laabashada Farmaajo.

Si uu u fuliyo qorshahan, Qoorqoor ayaa malaayiin dollar loo ballan-qaaday, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inay tan horseedo dagaal ka dhacao Dhuusomareeb ama ay Galmudug burburto.

Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada caasimadda u ah Galmudug ku qulqulayey ciidamo badan oo taabacsan siyaasiyiinta beesha Habargidir ee xil doonka ah, waxaana magaalada uu dagaal ka qarxi karaa marka Qoorqoor uu shaaciyo liiska musharaxiinta.

Dowladda oo shaacisay in laga hor-tegay qaraxyo lagu fulin rabay dhowr baabuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya waxaa la burburiyey gawaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lagu beegsaday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay ku xoogan tahay.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogagga baraha bulshada ee warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka, isla markaana la burburiyey dhammaan gaadiidkii ay qaraxyada ku diyaarisay kooxdu.

“Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, dhammaantoodna waa la baabi’iyey,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Faahfaahin intaas ka dheeri ah lagama bixin howlgalkaas qaabka loo fuliyey, tirada gaadiidka laga burburiyey Al-Shabaab, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo halka loo waday ama lagu beegsa rabay qaraxyada laga hor-tegay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood badan ku leh gobolka uu howlgalkaan ka dhacay ee Jubbada Dhexe, kaas oo gabi-ahaantiis ay maamulaan.

Inta badan diyaaradaha wax duqeeya ee dowladda Mareykanka ayaa beegsada saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada ay ka joogaan gobollada dalka, waxaana loo maleynayaa in howlgalkaan lagu fuliyey duqeyn dhanka cirka ah.

Waxaa aad u yar xogta laga heli karo dadka deegaanka, sidoo kale dhanka Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin howlgalkaan ay dowladda Soomaaliya shaacisay in  lagu beegsaday gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen.

Saddex arrin oo Soomaaliya ay ka doonayso Kenya marka ROOBLE uu tago Nairobi?

Maalinta berri Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaal rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay u wada hadlaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa labadii sano ee la soo dhaafay. 

Sanadkii hore Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, waxaase xiriirka diblomaasiyadeed la soo celiyay laba bil ka hor markii ay dhexdhexaadisay dowladda Qadar.

Dowladda Soomaaliya waxa ay hakisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, sidoo kale labada dal ayaa adkeeyay dal ku galka ay muwaadiniinta labada dal ugu safraan Muqdisho iyo Nairobi, waxaa adkeyntaas socdaalka ka mid ah in Kenya ay hakisay in masuuliyiinta Soomaaliya ay dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya marka ay yimaadaan, waxaa kaloo ay canaaddaa dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah oo qaarkood ay soo celisay iyagoo wata dal ku gal.

Haddaba maxaa muhiim u leh Soomaaliya?

Soomaaliya waxa ay kenya kala hadli kartaa saddex arrin oo hortabin u leh, kuwaasoo dhammaantood horay looga heshiiyay, laakin ay Kenya fulin waysay.

1- Joojinta fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya waa in ay ku adkeysayaa oo ay shuruud wayn ka dhigtaa in Kenya ay joojiso fara gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya. 

Arrintan oo qeyb wayn ka ahayd khilaafka labada dal waa mid lama taabtaan u ah Soomaaliya. Inkasta oo ay inkirsan tahay dowladda Kenya jiritaanka arrintan, haddana waxaa lagama maarmaan ah in ay ballan qaaddo in ay ilaalinayso madax bannaanida daleed, dhuleed, siyaasadeed iyo siyaadada dalka Soomaliya.

2- Socdaalka iyo dal ku galka (Visa)

Kenya iyo Soomaaliya waxa ay saddex mar (2016, 2017 iyo 2019) ku heshiiyeen in dadka wata baasaboorrada Service-ka iyo kuwa diblomaasiga ah laga dhaafo dal ku galka (visa) ama ay garoomada labada dal ka qaataan dal ku galka (fiisaha). Arrintaan oo December 2016-dii lagu beddeshay in Kenya qaadka ay usoo dhoofiso Soomaaliya, marna lama fulin, waxaa diidday dowladda Kenya oo marba keeneysay marmarsiyo hor leh. 

Sanadihii la soo dhaafay Kenya waxa ay garoomadeeda ka soo celisay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo wata baasaboorro diblomaasi ah iyo kuwa Service-ka oo qaarkood haystay dal ku galka Kenya, iyagoo joojiyay in ay xildhibaannada iyo wasiirrada Soomaaliya ay Dal ku galka ka qaataan garoomada Kenya, taas oo loo oggolaa muddo dheer.

Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu ku adkaystaa wax ka qabashada arrintan, oo waliba uu hubiyaa in aysan Kenya ballan qaad afka ah kaliya bixin halka dhinaca Soomaaliya ay ka gaarayso danaheeda, marka laga soo tago dadka ku safraya baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa Service-ka, waxaa kale oo muhiim ah in lagala hadlo in ay fududeeyaan dal ku galka baasaboorka caadiga ee shacabka ama ay ka dhigaan in garoomadooda laga qaato.

3- Isu-dheeli tirka ganacsiga labada dal

Kenya waxa ay Soomaliya u soo dhoofisaa badeeco badan, Qaadka, caleenta shaaha, cunto iyo dhar ayaa ka mid ah, waxaa huban in ay ajandaha ku darsan doonto in dib loogu oggolaado in ay qaadka u soo dhoofiso Soomaliya.

Dhinaca kale Soomaaliya waxba uma dhoofiso Kenya, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa laga sugayaa in ay kala hadlaan Kenya in ay oggolaato in loo soo dhoofiyo badeecadaha laga helo Soomaaliya sida qudaarta, kalluunka iyo kuwa kale ee loo baahdo.

Kenya dhowr jeer ayay ka baxday heshiisyo ay la gashay Soomaaliya ama ay ku guul darraysatay in ay dhaqan geliso. Heshiisyadaas waxaa ka mid ah qodobbada kore oo dhowr jeer laga heshiiyay laakin aanan fulin, waxaa Ra’iisul Waaaaraha iyo wafdigiisa laga doonayaa in ay arrintaan u sheegaan Kenya, lana sameeyo qaab lagu kormeeri karo waxa ka fula heshiisyada ay gaaraan labada dhinac oo ka tarjumaya danaha labada dal.

W/Q: Abdiaziz Golfyare

Dr. Xasan Sheekh: “Farmaajo laba qodob oo kaliya ayuu ku joogi karaa Villa Somalia”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha watigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble.

Dr. Xasan Sheekh oo wareysi siiyey telefishinka Unviersal TV ayaa sheegay in madaxtooyada Villa Somalia lagu joogi karo laba arrin oo kaliya, oo kala ah; heshiis siyaasadeed iyo Dastuurka.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan midna labadaas ku joogin madaxtooyada Soomaaliya, midaasi oo ka dhigan inuusan haysan dood Dastuuri ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofka madaxweynaha ka noqonayo Soomaaliya laba qodob midkood ayuu ku joogi karaa Villada, mid waa heshiis siyaasadeed iyo midna waa Dastuur, Farmaajo labadaba midna ma heysto, sidaas darteed ma heysto dood dastuuri, fursadda dastuuriga ah waxaa heysto Rooble,” ayuu yiri Dr. Xasan Sheekh.

Dr. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in warqadda uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay mid lagu saxayo siyaasadda Soomaaliya.

“Warqadahaan iska soo daba dhacay waxaan ku magacaabi karnaa sixitaan siyaasadda Soomaaliya la saxayo, xaqiiq ahaantii warqadda uu soo saaray Ra’isulwasaaraha Xkuumadda Xil-gaarsiinta waxay aheyd inuu soo saaro 9-kii bishii February oo aheyd maalin kadib markii uu dhammaaday waqtigii dastuuriga ahaa ee Farmaajo,” ayuu yiri Dr. Xasan.

Dr. Xasan oo wax laga waydiiyey saameynta ka dhallan karta khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrintaan ay ku xiran tahay sida uu u dhaqmo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna xusay inay suuragal tahay in khilaafkaan uu sababo gacan ka hadal haddii uu Farmaajo isku dayo inuu faragelin ku sameeyo hey’adaha amniga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay qaaday tallaabo lama filaan ah oo ku saabsan mas’uuliyadda ka saaran hagidda maamulka dowladnimo ee xilliga kala guurka, kadib markii uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu uga joojinayo xukuumada inay gasho heshiisyo.

Sawirro: Rooble oo kulamo siyaasadeed billaabay xilli uu wajahayo dagaalka Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka oo qeybo kamid ah dalka ka qabsoomay.

Kulanka Rooble uu la yeeshay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo uu Ra’iisul wasaaraha la yeelanayo Musharaxiinta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Rooble ayaa mas’uuliyiintaas kala hadlaya arrimaha doorashooyinka, asaga oo uga warbixin doona hanaanka doorashada, taasi oo dhabaha u xaareysa in doorashooyinka ku qabsoomaan jawi xasiloon.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo looga hadlay arrimaha taagan iyo xaaladda guud ee dalka, waxaana lagu soo hadal qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

Si kastaba, kulamadaan ayaa waxay kusoo aadayaan xili uu ra’iisul wasaaraha wajahayo dagaal siyaasadeed oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia, kaasi oo uu hormuud yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Rooble oo saxiixay heshiis iyo beesha caalamka oo $7.2 milyan ku bixineysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd heshiis la xiriira arrimaha doorashooyinka la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xafiisku uu QM la saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan (Toddobada Milyan iyo labo boqol oo kun oo dollar), oo qeyb ka ah qarashka ku baxaya doorashada.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka. Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in lacagta uu maanta xafiiska Rooble la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobe ay qeyb ka tahay yabooha fududeyn doona dardar-gelinta doorashooyinka ka bilowday dalka.

Rooble iyo xafiiskiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira dardar-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka oo uu mas’uul ka yahay, taasi oo ka bilaabatay qeybo kamid ah dalka doorashada Aqalka Sare.

Heshiiskan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Farmaajo uu wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.

Saameynta ka dhalan karta khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa labadii cisho ee u dambeysey qoraalo isku jawaabaya is-weydaarsadey xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraaladan ayaa ku soo beegmey xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku imaaneysey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda.

Haddaba saameyn intee le’eg ayey qoraaladan iska soo horjeeda ku yeelan karaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo arrimaha doorashada?

Ridwaan Xirsi Maxamed oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtada kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu ku wiiqayo awooda xukuumadda.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu markale faraha lasoo galay arrimo sharci darro ah, islamarkaana uu ku doonayo inuu ku ciriirsado awood uusan xaq u laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore sidii 2016-kii uu yeelay madaxweyne Xasan Maxamuud wey aheyd in uu soo saaro qoraal waqtigii uu sharciyada haystay lagu hakinayo arrimaha masiiriga ee dalka aysan faro-gelin hay’adda fulinta laakiin taasi ma dhicin,” ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

“Maanta in madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu mar labaad soo fara-geliyo, waxay noola muuqata inuu doonayo in uu ciriirsaday arrimo aan awoodisa aheyn oo xaq u laheyn.”

Si kastaba, maalamaha soo socda ayaa laga dhursugayaa sida uu usii socda xiriirka labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble, midaasi oo keeni karta dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada oo hadda ka bilowday dalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go’aan kasoo baxay Oromada

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Oramada ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada.

Shemelis Abdisa, oo ah madaxweynaha Oromia ayaa sheegay in aysan fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga.

Shemlis ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF.

“TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Oromia.

Abdisa ayaa hadalkaan ka sheegay isku soo bax balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda.

Madaxweynaha Oromia ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”.

Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Make’lle.

Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka dhex-qarxay dagaal siyaasadeed ku saabsan cidda leh awoodda fulinta iyo heshiis gelista xukuumadda.

Labada mas’uul ayaa isku haya heshiis ganacsi oo dib loogu furayo qaadkii Soomaaliya uga iman jiray Kenya, oo Rooble uu doonayo inuu saxiixo, iyo Farmaajo oo kasoo horjeeda maadaama qoyskiisa uu xiran yahay qaadka laga keeno Ethiopia.

Hase yeeshee, marka meel la iska dhigo wareegtooyinka ay soo saareen labadooda iyo ujeedka mid walba, yuu awoodda arrinta la isku hayo siinayaa dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya?

Muxuu cuskanayaa Farmaajo?

Wargeetadii uu 7-dii bishan kasoo baxday Farmaajo waxaa lagu yiriMadaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Si kastaba, Farmaajo ma uusan shaacin qodobka dastuuriga ah ee uu u cuskanayo tallaabada uu qaaday iyo halka uu dastuurka uga qoran yahay

Waxaan eegnay qodobka 90-aad ee dastuurka oo qeexaya “Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,” mana jirto meel xitaa ay kaga qoran tahay in madaxweynaha ay waajib ka saaran tahay ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna. 

Waxaa intaas dheer, haddii xitaa dastuurka uu ku jiri lahaa qodob Farmaajo awood u siinaya “ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna,” Rooble ma wuxuu sameynayaa wax madax-banaanida dalka wax u dhimaya mase bixinayaa hanti-qaran?

Muxuu cuskanayaa Rooble?

Wareegtadii xafiiska Rooble kasoo baxday 8-dii bishan, wuxuu dastuurka kaga xusay laba goor, labada goorna wuxuu cuskaday laba qodob oo kala ah; qodobka 97-aad iyo kan 103-aad.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.”

Qodobka 97-aad- ee dastuurka ayaa u dhigan sidan:-  

Farqada 1-aad: Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman. 

Farqada 2-aad: Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.

Qodobka 103-aad ee dastuurka oo sidoo kale Rooble uu cuskaday ayaa waxa aku qoran sidan: 

Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Gunaanadka 

Doodda Farmaajo iyo Rooble waxay u dhaceysaa; Farmaajo oo doonaya inuu digreeto wax ku maamulo, iyo Rooble oo adeegsanaya sharciyad iyo qodobo dastuuri ah oo aan dood la gelin karin.

Waxaa intaas dheer, in madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, inta laga dooranayana madaxweyne cusub, ay talada dalka leeyihiin ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda xil-gaarsiinta. 

Sawirro: Kenya oo safaarad cusub ka furatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed oo ay dowladda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Furista safaaradda cusub ee ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan uu weji cusub yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu horay dhaawac culus usoo gaaray, kadib markii ay labada dowladood oo daris ah ay kala rarteen 2 safaaradood.

Kenya ayaa sidoo kale isku dayeyso inay si dhow ula shaqeyso Rooble oo shalay casuumad uu u fudiyey Uhuru Kenyatta ka guddoomay wasiir Raychelle Omamo, waxaana rajo weyn laga qabaa inuu mar dhow dib u billowdo xiriirkii tooska ahaa ee labada iyo ganacsiga.

Dhinaca kale isku soo dhawaashaha Ra’iisul wasaaraha iyo Kenya ayaa xiisad xoogan ka dhex-dhaliyey Rooble iyo Farmaajo, waxaana kadib soo baxay khilaaf dhexdooda ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya galeyso doorasho, waxaana sidoo kale halkiisii ah kiiska badda ee horyaalla ICJ.

Muxuu ahaa ujeedka kulankii CC SHAKUUR iyo ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii gaarka ahaa ee uu xalay la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka billowday iyo xaaladda guud ee dalka, sida uu shaaciyey CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulanka lagu soo hadal-qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

“Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka” ayuu ku yiri.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku aadan kulanka uu Rooble la yeeshay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, uuna soo baxay khilaaf u dhexeeyo xukuumadda iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Is aragga labada mas’uul ayaa sidoo kale ku soo beegmay, xilli shalay Muqdisho ay soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ka wada-hadleen xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Si kastaba dadka falan-qeeya siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan aragtiyo uga bixiyey kulankan oo ku soo aaday, xilli xiisad siyaasadeed ee ka qaraxday Villa Soomaaliya, waxaana musharraxiinta mucaaradka ay dhankooda taageero weyn u muujiyeen Rooble.

Midowga musharraxiinta oo war kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee ku aadan khilaafka haatan ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Ugu horreyn golaha ayaa taageero u muujiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Rooble, iyaga soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ee uu kaga horyimid wareegtadii Farmaajo.

Musharrax Ridwaan Xirsi Maxamed oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan kasoo cusboonaaday Villa Soomaaliya, xilli lagu jiro doorashooyin.

Ridwaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in saacadaha soo socda ay soo saari doonaan war-murtiyeed ku aadan khilaafka soo shaac-baxay, ayna taageerayaan dadaallada Rooble.

“Golaha midowga musharraxiinta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul Wasaaraha, warmurtiyeed dhammeystiran ayaan ka soo saari doonnaa, balse waxa aan Rooble ku taageernay go’aanka uu qaatay” ayuu yiri Ridwaan Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in sababta bannaanka kentay khilaafkan sii xoogeysanayey ay tahay wada-hadallada billowday ee xiriirka dalka Kenya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, waxaana arrintan laga yaabaa inay saameyn ku yeelato hannaanka doorashooyinka dalka oo uu haatan garwadeen ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.