25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Qarax culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo guri gubanayo (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan laga malay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa laga maqlay wadada Warshadaha ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarkii hore ee warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala agagaarka warshadii hore ee taraqa iyo Sigaarka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu gurigiisa la tagay ruuxii lahaa, kadibna uu qarxay.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga uu ku dhex qarxay gudaha guriga, iyadoo uu gubanayo gaariga.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, iyadoo ciidamo badan la geeyay si loo xaqiijiyo xaaladda goobta ay wax ka dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ninkii waday gaarigii ku qarxay Kaawa Godeey oo la qabaty + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo la dhigay Igoyska Kaawo Godey.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in dhagar ninkii  waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadka ku amraya in ay goobta ka fogaadaan.

 

Qarax xooggan oo goor-dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Kaawa-Godeey ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Kaawa-Godeey oo khaadka lagu iibiyo.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray aaga uu qaraxa ka dhacay. Sidoo kale waxa socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

“DF waxay saxaafadda u qeybisay kuwo laaluush ay siiso iyo kuwa ay caburiso”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha ururka saxafiyiinta Qaranka ee NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Macalimuu ayaa si adag u weeraray xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay aheyd xukuumadii ugu qalafsaneyd ee soo marta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Macalimuu.

Wuxuu sheegay in Xukuumadda ay labo u qeybisay wariyaasha Soomaaliyeed , kuwaasi oo kala ah kuwo ay laaluushtay iyo kuwo ay caburisay, isaga oo tusaale usoo qaatay Wariye dhawaan ciidamada ay xireen oo muddo todobaad ah la weysaysan yahay.

Wariyaha oo lagu magacaabayay Nuur Ismaaciil Sheikh ayaa la sheegay in ciidamada NISA ay xireen, waxaana wali aan lasoo taagin wax maxkamad ah, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha loo heysto.

“Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay,waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda Soo marta”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Ugu Dambeyn Macalimuu ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan inay waayaan xorriyadda hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaarada amniga DF oo DIGNIING ka soo saartay xaalada Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay xaaladda amniga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhaba oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo loo diray Wasiirka Amniga maamulka K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan handadaadda bulshada iyo fal-dembiyeedyo ka dhan xasiloonida iyo deganaanshaha dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhaba.

War-ka kasoo baxay ayey wasaaradda Amnigu ku xaqiijisay inay kaalmeyneyso laamaha Amniga Koonfur Galbeed sidii ay u gudan lahaayeen sugidda amniga.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka kasoo baxay wasaaradda Amniga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gudoomiye ku xigeenka BF, Cawad oo soo saaray warqad maxkamadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlabaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa soo saaray warqad maxkameed oo ka dhan ah website-ka Muqdisho Online.

Cawad ayaa waxa uu ku eedeeyey in warbaahinta Muqdisho Online in ay sida uu sheegay ku xadgudubtay sharciga iyo xeerka saxaafadda.

Cawad ayaa warqadda ku amray in tallaabo sharci ah laga qaado warbaahintan, isaga oo sida uu sheegay diidan warbixin laga qoray, oo uu been ku sheegay.

Guddoomiye Cawad ayaa ku eedeeyay warsidaha Muqdisho Online in ay ku xadgudbeen xeerka saxaafadda madaxabannaan isagoo cuskaday qodobada kala ah Qodobka 4aad farqada 4.1, oo sheegayain ay saxaafadda ka reeban tahay warar been abuur ah.

Waxaa lagu eedeeyay in Muqdisho Online ay baahisay 23 November 2018 in Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka qaatay laaluush, arrintan oo la xiriirta warbixintii guddiga maaliyadda.

Dokumenti caddeyn u ah heerka musuq-maasuqa Yariisow iyo baaritaanka uu sameeyey hanti-dhowrka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayaa hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah.

Hadaba waxa  jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka.  Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka  Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir.

Musuq-maasuqa iyo xatooyada maamulka gobolka Banaadir ayaa maraya heer ay u muuqato in Yariisow uu xilkiisa ku weyn doono, waxaana lacagta maqan ay tahay mid ka badan tan gobolka uu xisaab xirka ku sameeyey.

Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday R/W Kheyre inta badan ku shaqeeya rabitaankiisa.

Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo aan helnay. Xogaha aan  helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ayaa isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka.

Xigasho: Muqdisho Online

Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:

 

Go’aanka Reccep Erdogan ee la kulanka Maxamed Bin Salman oo la shaaciyey

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Racep Tayyip Erdogan ayaa iska diiday dalab kaga yimid dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ahaa inuu la kulmo madaxweyne Erdogan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u dalbaday in Erdogan uu la kulmo inta uu socdo shirka Wadamada ku bahoobay G20, oo 30-ka bishaan ka dhacay magaalada Caasimadda u ah dalka Argentine.

Shirkaasi oo bilaabanaya dhammaadka Novermber ayaa socon doona ilaa 1 December ee sanadkaan, waxaana Erdogan uu diiday inuu la kulmo Maxamed Bin Salmaan, sida lagu daabacay Shabakada wararka Turkey ee Haber.

Talaadadii hore madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga inta shirka uu socdo, sidoo kale Arbacadii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna shaaciyay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga.

Arintaan ayaa timid iyadoo Sacuudiga uu dhibaato badan kala kulmay dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo horaantii bishii lasoo dhaafay lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Jimcihii laso dhaagay Washington Post ayaa shaacisay in CIA-da Mareykanka ay soo gabogabeysay in Maxamed Bin Salmaan uu shaqsiyan u amray dilka wariyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected]

NISA oo fashilisay qarax lala damacsanaa masjid ku yaalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meel aan ka fogeyn masaajid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu aasay meel u dhow Masjid ku yaala Xaafadda KPP ee degmada Hodon, waxaana ciidamada NISA ay sheegeen inay taageero ka heleen shacabka, maadaama xogta ay usoo gudbiyeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA laguna daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan qaraxyo kale oo magaalada looga shakisan yahay in lagu hayo.

“Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii  labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo  qarxa, oo ay  dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ciidamada ayaa baaritaan ka waday xaafadaha degmooyinka, Waaberi, Heliwaa, Hodon iyo Wadajir iyaga oo ku raad joogay dadka falalka amni daro ka geysanaya magaalada.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XIRIIRKA DHAQAALLE EE SHIINAHA IYO AFRIKA

Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan.

Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

SHIINAHA: Saaxiib kal furan

Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus).

Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku
noqotay dabin deyn.

KADEED DEYN

Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa  lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn.

Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000
kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya.

Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha.

Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn.
Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha.

DALALKA GOBOLKA

Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182
milyan.

Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm.

Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin
badan.

WQ: Hassan Mudane
Lafogure Arrimaha Afrika

Qorshe uu Waare rabay in uu ku dhaqaaqo oo uu culees soo wajahay

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo laga sugayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada ayaa si lama filaan ah uga degay magaalada Baladweyne.

Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee (Jowhar) ayaa xalay laga seexan, iyadoo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa laga filayay iney shaaciyaan magacyada Wasiirada cusub iyo kuwa la isku bedelayo,balse ma dhicin.

Taa badalkeeda,madaxweyne Waare wuxuu saakay safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay Baladweyne si uu la tashi ula soo sameeyo Beelaha dega gobolkaasi oo tabasho qabo.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay hanaanka awood qeybsiga beelaha,culeys badana uu saaran yahay madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Abdi Waare,taasi oo keentay dib u dhaca ku yimid shaacinta isku shaandheynta Wasiirada.

Waare, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo la filayo inuu kulamo wadatashi ah la qaato shacabka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ku waabariisatay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo la maqlay.

Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa lagu qaday Xarun uu leeyahay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo caruur badan ku hayay xarunta.

Gudaha Xarunta ayaa la sheegaya in ragga hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhex dhaceysa gudaha.

Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

La soco waxii kusoo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

Caddeyn: Musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda iyo warqadaha baaritaankii hanti-dhowrka (Arag)

Muqdisho (Caasimada Online) – Heerka musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maraya meel aad u sareysa, waxaana soo baxay caddeymo muujinaya ku xadgudub hanti dadweyne oo caqliga ka baxsan.

Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan. hase yeeshee su’aasha ayaa ah dagaalka ma ku wajahan yahay dadkii la rabay.

Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiisTusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100 doollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay.

In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Soomaalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya inay haystaan garab ay isku hallayn karaan. Arrintaan waxaa ka dhalan kara

  • Ciqaab iyo caro ka timaadda Ilaahay
  • Inay yaraato kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan dawladda
  • Inaan madaxda dawladda marka ay Musuqa ka hadlayaan aan dheg loo jalaqsiin
  • Inay dhiirrogeliso in tuugada waaweyn ay ku dhiiradaan  xatooyada xoolaha dadweynaha

Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaacbaxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay sedex (3) nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda isla markaana ay xigto dhow yihiin mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda

Sidee wax u dheceen? Yaa qaata seddex mushaar iyo ka badan? Xaggee ka qaataan?

Saddexdooda sanadkii waxay qaataan $385,800 (saddex boqol & sideetan iyo shan kun iyo sideed boqol Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuqa ah muddo lix bilood ah. 

 Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la qaadanayey mudo 2 sano ah.

Dhacdadaan Musuq Maasuqa ee foosha xun oo lagu lunsaday lacag gaaraysa $385,800 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda  shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas.

Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma ooyaanka la ugaarsanayo caddaalad ma aha ee caddaalad darro lagula kacaayo shacabka masaakiinta ah ee lagu helay xatooyo $100 doollar ah.

Haddaba waxaad hoos ka daalacataa baaritaankii Hantidhowrka uu ka sameeyay seddexda nin iyo caddeeymo wareeysiyadii lala yeeshay ee ay ku qirteen in ay danbiga galeen, balse, halkii laga sugaayay in caddaaladda la horkeeno wuxuu Hantidhowrka amray oo kaliya in ay soo celiyaan lacagta ay ka dhaceen qaranka.

Haddii ay caddaalad jirto, dhabna ay ka tahay madaxweyne Farmaajo waa in uu caddaaladda hor keena tuugada qiratay dhaca hantida ummadda, lana marsiiyaa ciqaabta ay mudan yihiin.

Halkan hoose ka akhriso wareysiga iyo warbixintii Hanti Dhowrka

5 ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha K/Galbeed oo u tanaasulay ROOBOW

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto.

Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas.

Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka.

Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka

Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo kashiftay $200 milyan oo DF SOMALIA ay soo qaadatay iyo war kasoo baxay DF oo ay beenisay

Garoowe Online (Caasimada Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar).

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaas Midowga Yurub uu ugu deeqay, hayeeshee loo soo marsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Puntland ayaa qoraalkeeda ku shaacisay arrin aysan dad badan ka war-hayn oo ah in dowladda Qatar ay dowladda Soomaaliya siisay lacag gaareysa 200 oo milyan oo dollar.

Kiiska musuq-maasuqa oo xukuumadda R/W Kheyre gaarsiiyey laba dhaawac oo aysan kasoo kaban doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maal-mihii dhowaa waxaa xukuumadda Xasan Kheyre kusoo baxay fadeexad weyn, oo ku saabsan lacag gaareysa 42 milyan oo dollar oo miisaaniyadda dowladda laga xaday muddo sanad gudihiis ah, sida ay sheegeen guddiga maaliyadda baarlamanka.

Sida guddiga uu sheegay lacagaast waxaa ka mid ah 20 milyan oo ka mid ahayd 50 milyan oo Sacuudiuga uu siiyey Soomaaliya, oo aan meel lagu sheegin.

Xukuumadda Kheyre ayaa dagaal xooggan u gashay inay masaxdo kiiskan, ayada oo kicisay xildhibaano ka mid ah guddiga maaliyadda oo ku xiran xukuumadda, islamarkaana wasiirka maaliyadda uu hor-tagay baarlamanka, si uu u beeniyo eedeymaha loo soo jeediyey.

Si kasta oo aad u eegtaba kiisan wuxuu xukuumadda Kheyre gaarsiiyey laba dhaawac oo aysan kasoo kaban doonin.

1 – Kiiskan wuxuu aad u wiiqay dagaalkii dowladda ay sheegi jirtay inay kula jirto musuq-maasuqa oo horey loogu xiray xubno hoose oo ka tirsan dowladda. Dad badan ayaa is-weydiin jiray sababta dadka la xiray ay inta badan u yihiin dad maqam hoose, oo aysan ugu jirin wasiiro ama wasiiro ku xigeeno.

Ayadoo oo ay dad badan is-weydiinayeen su’aalahaas, ayaa waxaa soo baxay kiiskan oo aad u ceebeeyey wasiirka maaliyada iyo ra’iisul wasaaraha, waxaana lacagta maqan oo aan ahayn hal ama laba milyan balse ay tahay 42 milyan ay ka dhigeysa in la aamino in dowladda aysan ka bad-qabin musuq-maasuq, dadkii la xirayna ay ahaayeen tallaabo lagu qaldayey shacabka, oo lagu qarinayey musuq-maasuqa madaxda sare.

Wixii hadda ka dambeeya way adkaan doonta in la aamino in dowladdan ay daacad ku tahay musuq-maasuqa ilaa ay ka muujiso in dagaalka ay sheegato ay qeyb ka noqdaan wasiirada lacagta badan ay ku maqan tahay.

2 – Kiiskan wuxuu fusrad u noqday xubnaha mucaaradka ku ah dowladda. Mucaaradkan ayaa waxay gaareen heer ay dowladda xitaa ku eedeeyaan haddii ay wax wanaagsan qabato, ayaga oo dhinac kale u leexinaya.

Bal ka fakar, waxa uu kiis musuq maasuq oo gaaraya 42 milyan oo dollar ula macno yahay. Waxay tani u adeegsan doonaan inay ku wiiqaan ama hoos u dhigaan tallaabo kasta oo ay dowladda qaado. Waxay mar walba shacabka u sheegi doonaan in dowladda aan la aamini karin.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamanka ayuu sidoo kale kiiskan u yahay albaab ay kasoo galaan mooshin ay ka keenaan ra’iisul wasaaraha, oo hadda guuxiisa uu bilow yahay, balse u baahan in taageero badan loo helo.

Kheyre iyo xukuumaddiisa waa inay la yimaadaan caddeyn buuxda oo ka masaxda magac xumada gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Puntland oo qiil yaab leh u yeeshay safarka Biixi ee Sool “Wuxuu xirnaa jaakad bir ah, mana….”

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey socdaalka uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana jawaabta Puntland ka muuqata inay wax ka qaban weysay socdaalka biixi.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland Cabdiraxman Abuubakar Geelle ayaa sheegay in shacbaka ku nool magaalada Laascaanood ay ka hor-istaageen madaxweynaha Somaliland in uu galo magaaladaas, oo dibedda un uu ku ekaaday.

Waxa uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu xirnaa jaakad bir ah oo aysan xabadu karin, cabsi daraadeed, isla markaana shacabka magaalada laascaanood ay banaanbax kala hortageen, una diideen inuu magaalada gudaha u galo.

“Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa, oo wuu baqayey shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo Laascanod” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli waxa uu booqashooyin ku kala bixinayaa deegaanada Bari ee Somaliland, waxaana shalay uu tegay deegaanka Tukaraq oo ay isku hor-fadhiyaan cidamada Somaliland iyo Puntland.

Socdaalka Muuse Biixi ee Sool iyo Sanaag ayaa dad badan u arkeen mid muujinaya in labadaas gobol oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland lagu kala adkaaday, islamarkaana Somaliland ay iminka tahay awoodda gobolka.

Dhageyso hadalka Cabdiraxman Abuubakar Geelle 

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

Cabdiraxman Beyle: Qabiil ayaa maxkamad noo ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Belye oo sabtidii hor yimid golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeynta guddiga maaliyadda ee golaha ayaa dhinaca kale sheegay in dalka aaney ka jirin wax maxkamado ah.

Mr. Belye oo arrintaas ka hadlaayo wuxuu yiri “arrimaha meeshaa lagu soo qoray waa malo-awaal, arrin suuq ah iyo kutiri-kuteen, la habeeyey, oo dabadeedna internetka la geliyey, adduunyada kale maxkamad aya ala isgeyn lahaa sow ma aha, tanoo kale adduunyada kale, I can tell you, maxkamad ayaa la isgeeyaa, ee innaga maxkamad miyaan leenahay, qabiilbaa maxkamad noo ah sow ma aha”.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ma sii faah-faahin ujeedka iyo sababta uu sidaa u yiri, laakin taasi waxaa ay ka hor imaaneysaa dadaalladii uu sheegay madaxweyne jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mudane Farmaajo waxaa uu mar hore ballan-qaaday inuu hagaajin-doono ama isbadal ku sameyn-doono garsoorka dalka, isaga oo guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, waxaa kale oo isbadal lagu sameeyey 6 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wakiilkii ITOOBIYA u joogay Hargeysa oo farriin culus kasoo diray Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Berhe Tesfay, qunsulkii hore ee Itoobiya ee Hargeysa,  ayaa shaaca ka qaaday inay yihiin cadow kuwa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana caddeeyey inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi.

Mr. Tesfay, Qunsulkii hore ee dalka Itoobiya oo xilligan ku sugan caasimada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu marwalba sii xoojin doono xidhiidhka labada dhinac, waxaanu yidhi, “Xoojinta xidhiidhka labada dhinaca marwalba xooga ayaan saari doonaa, runtii dad cadow ah ayaa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan Itoobiya iyo Somaliland, xilligana xafiiskii Itoobiya ee Hargeysa waa sidii hore ayuu u shaqeeyaa” Ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo raaciyey,

“Xidhiidhka labada dhinac, halkuu marayo xilligan meelo ka sii horumarsan ayuu gaadhi doonaa, laakiin kuwa beenta qoraya, inay naftooda runta u sheegaan ayaa wacan” ayuu yidhi Mr Tesfay, isagoo dhaliilayey warbaahin maalmahii u dambeeyey qorayey in xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland soo dhamaaday.

Qunsulkii hore Itoobiya u joogay Hargeysa Mr Tesfay, oo khadka telefoonka ugu waramay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan wargeyska Geeska Afrika, isagoo ku sugan Addis Ababa, ayaa isweydiiyey sababta warbaahinta qaarkood wararka been-abuurka u baahiyaan, waxaanu yidhi,

“Qof kastoo baahiya war been ah, waa inuu caddeyaa, hadaanu xaalad waali ah ku sugnayn,” ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo daba socday qoraal usbuucii hore mareegta Somalilandsun ku baahisay in Qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Hargeysa lagu xidhay Addis Ababa, halka mareegta AlleastAfrica, baahisay in Itoobiya xidhayso xafiiskooda Hargeysa.

Mr Tesfay ayaa ballanqaaday inuu marar dambe socdaalo ku iman doono Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Kooxo hubeysay oo dil ka geystay degmada Shibis

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana goobta ka baxsaday kooxaha dilka ka geystay degmada Shibis.

Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kasoo baxay ciyaarta Kubbada Cagta oo uu ku ciyaarayay meel aan ka fogeyn halka lagu dilay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Lama oga waxa uu ahaa wiilka dhalinyarada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu kamid ahaa ciidamada Nabad sugida, inkastoo aan la xaqiijin.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dilka ka dib waxay baaritaan ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen, iyadoo ay baxsadeen dadkii falka ka dambeeyay.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka tirsan dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]