Puntland iyo Jigjiga oo ciidamo mideysan yeelanaya + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada online ayaa sheegaysa in dhawaan maamulada Puntland iyo dawlada deegaanka Soomaalida ethiopia, ay sameysan doonaan ciidamo isku dhaf ah oo kawada shaqeeya amniga labada maamul.

Ciidamadaani mideyn doona labada dhinac ayaa waxaa la sheegay in loo sameyn doono hal darees, iyadoo sidoo kale ay tababar siin doonaan Saraakiil ka tirsan dowlada ethiopia, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Go’aanka dhismaha ciidamadaani isku dhafka ah ayaa waxaa lagu gaaray shir laba maalin un ka hor ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug, waxaana dhanka DDSI u matalaayay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Gudoomiyaha degmada Wardheer ee dawlada deegaanka Soomaalida ethiopia iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan Saraakiil ethiopian ah.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in dhismaha ciidamadaani ay sabab u noqon karaan kor u kaca amniga labada dhinac, waxa ayna rajo ka muujiyeen dhaqan galinta sharciga lagu howlgalin doono ciidamadaasi isku dhafka ah.

Ciidamada ka imaan doona dhanka DDSI ayaa waxaa u suuragali doonta inay howlgalo ka sameeyaan dhammaan goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Puntland.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada ka imaan doona dhanka DDSI ay kamid noqon doonaan ciidamo ethiopian ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona kuwa isku dhafka ah.

Ma cadda baahida keentay ciidamadaani isku dhafka ah, walow Puntland ay ku micneysay horumar la gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com