Puntland ma dib u eegid ayey u baahan tahay mise aayo ka tashi? (Faallo)

Avatar

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay shir uu ugu magac daray “shir wada tashi oo lagaga arrinsanayo aayaha Puntland” maadaama, sida uu sheegay, dowladda Soomaaliya ay garab martay nidaamkii federaalka ayna faro gelin joogto ah ku hayso maamul goboleedyada.

Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay Puntland iyadu ma ka dhabaysay mabaadi’dii loo asaasay ma se ilaalisay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee dadkeeda ka hor inta aaney cid kale ku eedayn in ay dastuur baal martay oo xuquuq ku tumatay?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “maroodigu takarta isaga saaran ma arkee ta kan kale saaran buu arkaa.” Waxay kaloo ku maahmaahdaa “wiil is hubaa heesa”.

Maamul goboleedka Puntland waxaa la asaasay sannadkii 1998 dii, kadib markii ay shir isugu yimaadeen oday dhaqameedkii, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii 5ta gobol iyo degmada lagu asaasay maamulkaas, kuwaas oo kala ahaa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Yagleelida maamulka waxaa laga lahaa laba hadaf oo waaweyn. Kan kowaad ayaa ahaa in dadka ku nool gudaha maamulkaas ay helaan dowlad ilaalisa nabadgelyada iyo kala dambeynta, ku shaqaysa caddaalad iyo sarreynta sharciga, ku dhisan caddaalad, bixisana adeegyada asaasiga ah ee bulshada. Kan labaad ayaa ahaa in maamulkaas ka shaqeeyo raadinta dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dadka Soomaaliyeed waxna wada leeyihiin waxna kala leeyihiin.

Haddaba maxaa ka hirgalay labadaas hadaf?

Haddii aan ku horeyney dhanka arrimaha maamulka gudaha ee Puntland, waxaa la oran karaa Puntland qayb ahaan waa ku fashilantay hadafkaas. Dhanka nabadgelyada, qaybo ka mid ah gobollada Bari iyo Sanaag waxaa ku sugan kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo meelaha qaar ka hawl gelayey in ka badan 10 sano. Waxa ay dhibaato amni darro ku hayaan magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolladaas. Ilaa hadda ma muuqato istiraatiijiyad cad oo lagu soo afjarayo kooxahaas, marka laga reebo diiwaan gelin iyo tababaro is dabajoog ah oo la siiyo ciidamo ku mushahar qaata in ay difaac kaga jiraan aagaggaas balse aan marna gaarin natiijo weyn oo la taaban karo. Magaalada Boosaaso waxaa lagu daad gureeyaa ciidamo laga keenay gobollo kale oo aan aqoon u lahayn dadka iyo deegaanka, kuwaas oo aan tiro maahe tayo ku kordhin sugidda amniga.

Dhanka kale waxaa ka maqan gacanta dowladda Puntland qayb weyn oo ka mid ah xuduuddeedii dhuleed ee dastuuriga ahayd. Gobolka Sool waxaa muddo 13 sano ah ka arriminaya maamulka Somaliland, gacan ku haynta gobollada Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle na ma aha mid sugan oo waxaa si xor ah u booqda, ciidan iyo shaqaale maamulna uga qoran yahay Somaliland.

Dhanka caddaaladda, sarraynta sharciga iyo maamul wanaaga, maamulka Puntland kama samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Maamulku waxa uu noqday mid xilalka ugu sarreeya ay ku kooban yihiin hal jifo. Tan iyo asaaskii Puntland waxaa xilka madaxweynaha isku bedbedelayey saddex qoys oo jifadaas ka tirsan iyaga oo ka dhigtay waxa Soomaalidu u taqaan “hagbad”. Iyada oo hadba qoyska taraha soo socda leh uu galo 5 sano oo diyaar garow ah kadib na soo sharaxo tobannaan qof oo jagada madaxweynaha u taagan, beelaha kale murashaxiintoodana loo adeegsado taatikooyin kala duwan oo lagaga niyad jebinayo in ay galaan tartan adag, sida in qaarkood laga celiyo in ay soo galaan magaalada Garowe ama loo diido in ay sameeyaan xaflado ay barnaamijyadooda waxqabad ku soo gudbiyaan, ama lagu qanciyo in ay tartanka ka haraan si ay wasiirnimo u helaan.

Waxaa kale oo ka mid ah taatikooyinkaas in hadba ninka madaxweynaha markaas ah uu iska dhigo mid markale u sharraxan jagada in uu ku soo noqdo kadib na uu xulafaysi la sameysto mid kamid ah murashaxiinta qoys hoosaadka taraha leh si uu ugu wareejiyo codadkiisa uu ku iibsaday canshuurtii uu 5 ta sano shacabka ka ururinayey. Si aan hagbaddu u khaldamin waxa la hor istaagey in uu hirgalo nidaam dimqoraadi ah oo dadku qof iyo cod madaxda ku soo doortaan, iyada madaxweyne kasta sameeyo guddi doorashooyin oo maqaar saar ah kaas oo ujeeddada keli ah ee laga leeyahay ay tahay in beesha caalamka lagaga mashaariic laga sameeyo xoogaa lacag ah. Marka waqtiga doorashadu dhawaatona waa la kala diraa guddiga oo waxaa dib loogu laabtaa xildhibaanno odayaal soo qoraan oo codka laga iibsado.

Sarraynta sharciga iyo maamul wanaaggu wax muhiimad ah uma laha maamulka Puntland. Tusaale, muddo 22 sano ah ee uu maamulkaasi jirey hal qof oo xil sare ka haya laguma soo eedayn oo maxkamad laguma soo taagin musuqmaasuq ama lunsasho hanti dadweyne, innaga oo og in Soomaaliya ay tahay waddanka ugu musuqa badan caalamka. Awoodda oo dhan waxa isku kooba madaxweynaha, iyada oo baarlamaanka shaqadiisa laga dhigo fadhiid, haddii ay xildhibaanadu damcaan in ay la xisaabtamaan xukuumaddana la isugu daro laaluush iyo cago jugleyn marar badan keenta in la bedelo guddoonka baarlamaanka.

Dhanka adeegga bulshada, maamulka Puntland ma bixiyo wax adeeg bulsho ah marka laga reebo deeqaha caalamka ee la soo marsiiyo wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha kuwaas oo taakulo kooban gaarsiiya meelaha qaar, sida qaybinta buugaag, dhisidda qolal waxbarasho iyo qodidda ceelal biyood. Dhammaan goobaha waxbarashada waaweyn ee Puntland sida dugsiyada hoose iyo sare, jaamacadaha iyo macaahidda gaar ayaa loo leeyahay (private). Waxa ka soo hara dhowr dugsi oo ay ka tagtay dowladdii hore ee Soomaaliya kuwaas oo iyagana sida dugsiyada private ka ah ardayda lacag uga qaata. Korontada iyada warkeedaba ha sheegin oo waxaa iska leh shirkado gaar ah oo lacag aad u fara badan ka qaada shacabka danyarta ah taas oo caqabad ku ah horumarka dhaqaale iyo ganacsi. Waxa intaas dheer shirkadahaas qayb ka mid ah waxa ay ku shaqeystaan qalabkii iyo xarumihii korontada ee dowladdii Soomaaliya!

Waxa intaas dheer in kaabayaashii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa Puntland sida dekedda Boosaaso iyo airport keeda lagu wareejiyey shirkado Imaraati ah oo xoogaa lacag laaluush ah laga qaatay, ayna afduub ku haystaan iyaga oo aan wax horumarin iyo ballaarin ah ku sameyneyn. Waddadii laamiga ahayd ee dheerayd ee isku xiri jirtey Boosaaso ilaa Gaalkacyo na uu ka muuqdo dayac iyo burbur aan waxba laga qaban 22 kii sano ee maamulkaasi jirey.

Hadafkii labaad ee ahaa raadinta dowlad Soomaaliyeed maxaa ka hirgalay?

Laga soo bilaabo 1998 kii, maamulka Puntland waxa uu isku mashquuliyey in dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya ay noqoto mid u shaqaysa sida maamulkaas doonaayo. Waxa uu maamulkaasi ka qayb qaatay curyaamintii dowladdii lagu soo dhisay Carta- Djibouti sannadkii 2000 maadaama aaney qaadan hab federaal. Waxa loo adeegsaday hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya, iyada oo la dhisay isbahaysigii SRRC.

Kadib markii ay dhammaatay muddadii dowladdii Carta waxaa sannadkii 2004 shirkii ka dhacay Nairobi madaxweyne loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii waqtigaas ee Puntland, iyada oo isla markaasna la qaatay nidaamkii federaalka ahaa. Maamulka Puntland waxa uu naf iyo maal ba u huray in dowladdaas ay guulaysato. Iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dowladdu caga dhigato Villa Soomaaliya, kadib markii ciidamada Ethiopian ah ay dalka soo galeen ayna dhaceen dagaallo ay ku dhinteen tobannaan kun oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Taas ma la oran karaa Puntland iyadaa bilowday in la fara geliyo maamulka gobollada kale ee Soomaaliya? Waa su’aal jawaab mudan.

Intii ka dambeysey dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf, Puntland waxa ay caan ku noqotay in ay la shaqayso dowladda dhexe keliya marka labada xi lee ugu sarreeya uu midkood hayo siyaasi ka soo jeeda jifada xukunta Puntland. Markii taas la waayo na dowladda lagu iclaamiyo dagaal shaati looga dhigaayo waxa ay ka hortimid nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalka. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “baroortu orgiga ka weyn” iyo “nin meeli u caddahay meeli u madow”. Sida aynu uga barannay maamulka hadda jira ee Puntland joojin maayo buuqa iyo cabashada ilaa madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu noqdo qof la jifo ah madaxweyne Deni.

Arrimahaas kor ku xusan waxa ay sababeen in inta badan shacabka reer Puntland ay ka niyad jabeen maamulkooda. Kadib markii shaqooyinkii iyo xilalkii ay caddaalad noqon waayeen, in badan oo ka mid ah dhalinyaradii reer Puntland waxa ay u baqooleen oo jaanisyo ka raadsadeen magaalada Muqdisho iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dad badan oo kale na waxa ay bilaabeen in ay cabasho muujiyaan, waxaana loogu jawaabey xarig iyo cago jugleyn. Waana ta keentay in cabashada ay u wareegto baraha bulshada, iyadana Deni waxa uu ku eedeynayaa dowladda Soomaaliya in ay dhaqaale ka bixiso! Waa yaabe dadku miyaaney iyagu dareen lahayn oo garan karin dhibaatooyinka haysta haddii aan lacag lagu siin.

Gebegabadii waxaa la joogaa waqtigii dadka Puntland isugu iman lahaayeen talo iyo dib u eegis lagu sameeyo sida maamulkoodu u shaqeeyo iyo sidii loo sixi lahaa waxyaabaha badan ee khaldan, ka hor inta aan la xagxagan dowladda dhexe oo wax kasta iyada lagu eedayn.

W/Q: Abdi Isse
isseabdi@aol.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid