Puntland oo 43 ruux dil toogasho ku xukuntay (Maxaa loo haystaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa xukun dil ah ku riday ku dhawaad 43 ruux oo kamid ahaa ragii Alshabaab ka tirsanaa ee dhawaan weerar ku qaadan deegaanada xeebaha ee Puntland.

Maxkamada maamulka Puntland ee ciidamada qalabka sida ayaa lasoo taagay ku dhawaad 45 ruux oo lagu eedeeyay iney Alshabaab kamid ahaayeen kuwaasi oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Togga Suuj iyo deegaano kale.

Alshabaab ayaa bishii Maarso ee sanadkaan weerar maalmo qaatay ku qaaday deegaanada xeebaha ee Mudug iyo Nugaal, iyadoo markii dambe qaarkood lagu dilay weerarka halka qaarkoodna nolosha lagu qabtay.

Maxkamada ciidamada qalabka sidee Puntland ayaa go’aankaan gaartay Khamiistii lasoo dhaafay, sida xogaha la helay ay sheegayaan, waxaana ragga la xukumay la siiyay fursad hal bil ah oo racfaan ay ku qaadan karaan.

Al-shabaabka la xukumay ayaa la sheegay in qaarkood ay ahaayeen kuwo dhalinyaro u badan, waxaana wali dhiman dad kale oo Alshabaab ka tirsanaa laguna qabtay dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com