Puntland oo Boosaaso ku qabatay rag iyo dumar loo heysto dambiyo culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howl-gallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ku soo qabtay dad isugu jira rag iyo dumar oo lagu eedeeyay ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah iyo walxaha maanka-dooriya, gaar ahaan xashiishka.

Booliska Boosaaso ayaa sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falal wax u dhimaya amniga, iyagoo caddeeyay in kiiskooda loo gudbin doono maxkamadda si loo marsiiyo habraacyada sharciga.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howl-galka lagu soo qabtay hub iyo waxyaabo kale oo la xiriira eedeymaha loo haysto dadkaasi, kuwaas oo uu ku jiro bam-gacmeed.

Boolisku waxay sheegeen in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo halka uu ka yimid hubka la qabtay, cidda soo gelisay magaalada Boosaaso iyo ujeeddada laga lahaa isticmaalka qalabkaasi.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa baaraya haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug leh kiiskan, kuwaas oo aan weli gacanta lagu dhigin ama baxsad ah.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howl-gallada lagu beegsanayo dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah iyo maandooriyaha, iyadoo falalkaasi loo arko kuwo saameyn ku leh amniga iyo xasilloonida bulshada.

Gobolka Bari ayaa horey dhowr jeer loogu qabtay maandooriyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin khamriga laga soo geliyo dhinaca Itoobiya, waxaana dadkii lagu qabtay falalkaasi loo gudbiyay maxkamadaha gobolka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu sii wadi doono howl-gallada ka dhanka ah falalka amni-darrada ah, iyadoo dadka lagu eedeeyo dambiyada noocaas ah loo gudbinayo hay’adaha garsoorka si loo qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

- Advertisement -

Read more

Local News