Puntland oo digniin culus u dirtay hay’adaha ajaaniibta ee ka howl-gala maamulka

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cumar Camey ayaa markii ugu horeysay ku amray Hay’addaha ka howgalla gudaha Puntland inay joojiyaan shaqaalaha ajnabiga ah ee ay ka keensayaan dalka dibadiisa.

Cabdi Xakiin Cumar Camey, ayaa sheegay inay khalad tahay in Muwaadiniin shaqo la’aan ah dalka dibadiisa laga keeno shaqaale, waxa uuna ka digay in dalka lasoo galiyo Ajaaniib shaqo doon ah.

Cameey, waxa uu tilmaamay in xad dhaaf ay yihiin Ajaaniibta usoo shaqo doonta Puntland, waxa uuna Hay’adahaasi ku amray inay hakiyaan shaqaaleysiinta Ajaaniibta.

Waxa uu sheegay kororka shaqaalaha ajnabta inay xiriirweyn laleedahay shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Puntland.

Waxaa Camey sheegay in shaqo la’aantu sabab u tahay amni xumada iyo in Daacish iyo Al-Shabaab fursad u helaan inay dhalinyarada ku soo xero galiyaan lacago aan badnayn oo loogu adeegsanayo inay dalkooda ka dhigaan meel amni darro ah.

Sidoo kale, Hogaamiye Camey ayaa carab dhabay in Shaqo la’aan baahsan ay xilligan ka jirto Degaanada Maamulka Puntland iyo Qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Dhinaca kale, Cameey ayaa ku celcelshay in Hay’adii jabisaa amarka maamulka ay ka saari doonaan dalka oo dhan, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo shaqaalaha Ajaaniibta ee dibadda laga keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com