Xog: Puntland oo heegan culus gashay iyo Eng. Cameey oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu dhawaaqay iney heegan buuxa kaga jiraan weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, maadaama horey Alshabaa ay weerar kaga geysteen deegaano ka tirsan Puntland.

C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa u sheegay shacabka deegaanada Puntland in looga baahan yahay iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka ee adkeynaya amaanka deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay labo jibaari doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, ayna diyaar u yihiin sidii hore ay isagadifaaceen Alshabaab iney isaga difaacaan.

Eng Cameey, wuxuu sheegay in ciidamada ay heegan ku jiraan islamarkaana ay kordhin doonaan baaritaanada iyo kahortagida weerarada Alshabaab ka geysanayaan deegaanada Puntland.

Alshabaab ayaa horey weeraro khasaaro geystay kaga geystay deegaanada dhanka xeebta ee Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com