Puntland oo ku dhowaaqday go’aanno amni oo culus iyo in ay la wareegi doonto….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aanno cusub oo lagu adkeynayo ammaanka gobolka Bari, kuwaas oo ay ka mid yihiin xakameynta hubka sharci-darrada ah, dardargelinta dagaalka kooxaha argagixisada, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, iyo mamnuucidda gaadiidka hubka lagu rakibi karo ee aan fasaxa haysan.

Go’aannadan ayaa kasoo baxay shir amni oo ka dhacay magaalada Boosaaso oo uu guddoomiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, saraakiisha ciidamada, hay’adaha amniga iyo madaxda gobolka Bari iyo degmada Boosaaso.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga gobolka Bari, xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xakameynta hubka sharci-darrada ah, burcad-badeedda, tahriibka iyo kahortagga colaadaha beelaha.

Puntland ayaa sheegtay in la dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira deegaannada Puntland, iyadoo hay’adaha amniga lagu amray inay sii xoojiyaan howl-gallada iyo tallaabooyinka lagu sugayo amniga.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay mamnuucidda in hub sharci-darro ah lagu dhex qaato magaalooyinka Puntland. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay la wareegi doonto hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto, halka hay’adaha amniga iyo kuwa caddaaladda lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka lagu helo iibinta, soo gelinta ama isticmaalka hubkaas.

Go’aannada waxaa kale oo lagu mamnuucay in gudaha Puntland la keeno gaadiid loo adeegsan karo in lagu rakibo hub ama qalab ciidan, haddii aan oggolaansho laga helin taliska ciidamada oo uu saxiixo madaxweynaha Puntland.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale awood loo siiyay inay la wareegaan gaadiid kasta oo noocaas ah oo si sharci-darro ah lagu soo geliyo deegaannada Puntland.

Puntland waxay dhinaca kale mamnuucday in askari aan ku jirin howl-gal rasmi ah uu hub la dhex maro magaalooyinka, iyadoo sidoo kale la faray ciidamada inay la wareegaan hubka loo adeegsado dagaallada beelaha iyo inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka ku lug yeesha hurinta ama ka qeybgalka colaadahaas.

Burcad-badeedda iyo tahriibka

Shirka ayaa muhiimad gaar ah siiyay sugidda amniga badda iyo ilaalinta xeebaha Puntland.

Hay’adaha amniga ayaa lagu amray inay si buuxda u fuliyaan go’aannada dowladda ee la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, isla markaana ay xoojiyaan tallaabooyinka looga hortagayo falalkaas.

Waxaa si gaar ah loo faray ciidamada iyo hay’adaha kale ee amniga inay la dagaallamaan cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay burcad-badeednimo.

Puntland ayaa sidoo kale amartay in laga hortago soo gelinta, iibinta iyo isticmaalka noocyada kala duwan ee daroogada iyo khamriga.

Go’aannada shirka kuma koobneyn oo keliya arrimaha amniga, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga dowladda.

Puntland ayaa sheegtay in la xoojinayo dakhliga dowladda, gaar ahaan dakhliga kasoo xarooda xeebaha iyo marsadaha.

Waxaa sidoo kale la qorsheeyay qabashada shirweynayaal maalgashi iyo ganacsi oo Puntland ah, kuwaas oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Hay’adda Tayo-dhowrka Puntland ayaa lagu amray inay kordhiso shaqadeeda, iyadoo tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ganacsata dawooyin ama raashin aan tayadooda la hubin.

Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la hirgeliyo qorshaha ballaarinta waddooyinka iyo bilicda magaalada Boosaaso.

Puntland waxay sheegtay in arrintan lagu saleyn doono qorshaha guud ee horumarinta magaalada, ama Master Plan-ka, oo maamulka degmada Boosaaso uu horey u gudbiyay.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah qorshe ay Puntland ku sheegtay inay ku dooneyso isku mar xoojinta ammaanka, dhaqaalaha, nidaamka magaalada Boosaaso iyo ilaalinta xeebaha gobolka Bari.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News