Puntland oo qarka u saaran inay ku dhaqaaqdo arrin cawaaqib leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa baaraya da’da Carruurta yar yar ee dhawaan lagu qabtay dagaaladii ay ciidamada Puntland iyo argagixisada Somalia ee Al-shabaab kuwada galeen deegaano ka tirsan maamulka.

Maamulka Puntland ayaa ku doodaaya in Maxaabiista qaar ay yihiin kuwo qaangaar amaba kasii weyn da’da qaangaarka ah, sidaa darteedna loo baahan yahay in la helo da’dooda saxda ah.

Baaritaano hordhac ah oo ay sameeyen Saraakiisha gacanta ku heysa Maxaabiistaasi ayaa sheegay in Maxaabiista qaarkood ay ka weyn yihiin da’da qaangaarka ah, balse ay qarinayaan da’dooda.

Saalax Xabiib oo ah Wasiirka Cadaalada maamulka Puntland, ayaa sheegay in muhiim ay tahay inay helaan da’da saxda ah Maxaabiistaasi si uu yiri loo xukmiyo una maraan waxa uu qabo sharciga maamulka.

Saalax Xabiib waxa uu sheegay in baarista da’da Maxaabiistaasi ay u xilsaaren Guddi u kuurgala xaqiiqda, kuwaasi oo uu maamulka aqbali doono natiijada ay soo saaran.

Gudiga ayaa ka kooban Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xeer ilaaliyayaal ka socda Garsoorka Puntland, waxaana ay guda galayaan shaqada loo igmaday.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in xukuno ay ku ridi doonaan Maxaabiistaasi kusoo duushay deegaanada Puntland.

Inta badan Maxaabiista oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegtay in si qasab ah loo adeegsaday balse qorshahooda uusan aheyn inay duulaan ku qaadan Puntland.

Tani ayaa u muuqaneysa mid ay Puntland ku baadigoobeyso qaabkii ay ku dili laheyd Maxaabiistaasi dhowrka bil u xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com