PUNTLANDoo sheegtay in GALMUDUG ay dagaal ku soo qaaday deeganadeeda

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo Dimuquradiyeynta dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa si kulul uga hadlay colaadda ka soo cusboonaatay bariga gobolka Mudug.

Wasiir Dhabancad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay Puntland ka xun tahay dagaalladaasi, wuxuuna ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay xabada joojiyaan, wadahalna ay galaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkii saaka dib uga qarxay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Dhabancad ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta Galmuudug in ay horinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Towfiiq ee Puntland waxaa saakay soo weeraray ciidamo ka socda Galmudug, waxaana ugu baaqaynaa in dagaalkaas la joojiyo, mana doonayno in la jebiyo nabad muddo lagasoo shaqeynayay.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi iyo eedeynta loo jeediyey, iyadoona xaaladdu haatan ay tahay mid kacsan.

Labadaan maamul oo daris ah ayaa marar badan isku dhacay, waxana shirar looga hadlayo xaaladda gobolka Mudug iyo heshiisyo ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo.

Xiisada ayaa hadda dib u soo laabatay, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya, si loo qaboojiyo dagaalladaasi.