Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda maxaabiista ciidamada maamulka Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyadoo ku eedeysay maamulka Waqooyi Bari inuu maxaabiista u adeegsado dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in maxaabiista laga helo dhaqaale, isagoo su’aal geliyay habka loo maareeyo lacagaha loogu tala-galay daryeelkooda.
“Maxaabiista waa sac caano badan. Waa la maalayaa. Red Cross (Bisha Cas) ayaa halkii askari maalintii looga qaataa sagaal dollar. Dhowr boqol oo kun ayaa bishii maamulka ku qaataa maxaabiista, oo ay u dheer tahay dawadooda. Nimanka Magafe ahaan ayaa loo haystaa ee siyaasad looma haysto,” ayuu yiri Caydiid.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay maamulka Waqooyi Bari in halkii maxaabiista loo mari lahaa hannaan sharci ah, loo adeegsanayo dano dhaqaale, isagoo ku baaqay in si cad loo baaro dambiyada loo haysto maxbuus kasta.
Caydiid ayaa si gaar ah u xusay dhacdooyinkii dilalka iyo tacaddiyada ee la xiriiray dagaalladii Laascaanood, isagoo sheegay in haddii maxaabiista loo haysto dambiyo ay tahay in loo maro hannaan caddaaladeed oo cad, laguna saleeyo eedeymo iyo xog rasmi ah.
“Haddii maxaabiista la maxkamadeynayo waa in lagu maxkamadeeyo dambiyadii ay galeen oo runta la sheego,” ayuu yiri wasiir Caydiid, isagoo ku baaqay in la caddeeyo dambiyada loo haysto maxbuus kasta.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista ay u baahan yihiin daryeel caafimaad, gaar ahaan kuwa qaba dhaawacyada iyo xanuunnada kale, wuxuuna ku baaqay in si gaar ah loo qiimeeyo xaaladdooda caafimaad.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku haya boqolaal maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ee 25-kii Agoosto 2023, xilligaas oo ciidamada Somaliland laga saaray saldhigga Goojacadde kaddib dagaallo muddo bilo ah ka socday magaalada.
Dagaalka Laascaanood ayaa sababay khasaarooyin kala duwan, waxaana kadib dagaallada soo noq-noqday ay xaaladdu isu beddeshay in maamulka Waqooyi Bari uu gacanta ku dhigo ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Somaliland.
Waqooyi Bari ayaa hore u sheegay in sii deynta ama is-weydaarsiga maxaabiista uu ku imaan karo heshiis siyaasadeed iyo nabadeed oo dhexmara dhinacyada, isagoo sidoo kale dalbaday in Somaliland ay ka tanaasusho sheegashada ay ku leedahay gobolka Sool, taas oo si adag u diidan tahay Hargeysa.

