Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah u guda galay dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka maamulka, iyadoo qodobo muhiim ah oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, nidaamka siyaasadda, arrimaha bulshada iyo garsoorka la horgeeyay Golaha Wakiillada si wax looga beddelo.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobada dib-u-eegista lagu sameynayo waxaa ka mid ah qodobada 37, 41, 44, 47, 74, 81, 90, 113 iyo 126 ee dastuurka. Wax-ka-beddelladan ayaa lagu doonayaa in dib loogu habeeyo qaab-dhismeedka maamulka iyo hannaanka doorashooyinka.
Xukuumadda Puntland ayaa soo jeedisay in doorashada xubnaha goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka lagu qabto hannaan qof iyo cod ah, halka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ay soo dooran doonaan xubnaha baarlamaanka ee ay shacabka si toos ah u soo doortaan.
Haddii isbeddelladan la ansixiyo, waxaa meesha ka bixi doona qodobkii hore ee oggolaanayay in shacabka Puntland ay si toos ah u doortaan Madaxweynaha. Taas beddelkeeda, Puntland waxay u wareegi doontaa nidaam baarlamaani ah, iyadoo 66-da xildhibaan ee baarlamaanka ay yeelan doonaan awoodda ay ku soo dooranayaan madaxda sare ee maamulka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kalfadhiyada soo socda ee Baarlamaanka lagu gorfeyn doono qodobka 79-aad ee dastuurka, kaas oo ka mid ah qodobada ugu xasaasisan. Qodobkan ayaa dhigaya in Madaxweynaha Puntland uusan xilka hayn karin wax ka badan laba muddo-xileed oo isku xiga.
Doodaha la xiriira qodobka 79-aad ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu si toos ah u taabanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sida uu qodobku hadda yahay, wuxuu xaddidayaa muddo-xileedka madaxweynaha laba jeer oo keliya, taas oo meesha ka saareysa inuu mar kale isu soo taago xilka haddii aan wax laga beddelin.
Dib-u-habeynta dastuurka Puntland ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay guud ahaan ka socdaan dooddo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo qaab-dhismeedka dowladnimada.
Isbeddelkan, haddii la meel-mariyo wuxuu ka dhigan yahay in Puntland ay dib ugu laabaneyso nidaamka baarlamaaniga ah, kaas oo Baarlamaanku soo dooranayo Madaxweynaha, halkii ay shacabka si toos ah u soo dooran lahaayeen.
Arrintan ayaa la filayaa inay dhaliso dood siyaasadeed oo ballaaran gudaha maamulka Puntland, maadaama ay saameyn ku yeelaneyso hannaanka awood-qeybsiga iyo doorashooyinka mustaqbalka.
Sidoo kale waxay Puntland ka dhigeysaa maamul qaadanaya nidaam u dhow kan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Madaxweynaha ay soo doortaan xubnaha baarlamaanka halkii ay shacabka si toos ah u dooran lahaayeen.

