Puntland oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta markale si adag uga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa waxa lagu sheegay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo dad xaq u dirir ah iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu qasbaan mashruucooda gooni isu-taagga.

“Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, ayna ku dhaawacmeyn in ka badan 500 oo qof, iyada oo dalka guduhiisa ku barakaceen in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday dalka Ethopia, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Puntland ayaa waxay dalbatay in qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro hay’addo iyo guddiyo madax-banaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah.

Waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.

“Guddiga gurmadka arrimaha bini’aadantinimo ee gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa in hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.

“Dadka reer Puntland waa in ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri qoraalka “Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go’aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho.”